Beesha Arab Isaaq waxay illaa 2010kii la kulmaysay takoor iyo cunsuriyad salka ku haysa nacayb iyo cabsi isku lifaaqan
Takoorkan nidaamsan ayaa beesha Arab loogu soo dhuuntay in ay deegaanadooda degenyihiin shakhsiyaadka taageera ururada Argagixisada ah, taaso loo samaystay hayado caalamiya oo diyaar u ah in ay dhaqaale iyo khibrad nolosha uga reebaan deegaanadaas, waliba si farsamaysan oo bilaa dareen ah.
Haday noqoto dhinacyada siyaasadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha, intaasbaa waa laga takooray beesha Arab ilaa 2010kii.
Daraasad dhawaan lagu daabacay SOMELITE ayaa iftiimiyey in ay jireen xeelado qarsoon, kuwaaso loogu talagalay in si qarsoodi ah looga takooro beesha Arap siyaasadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Sidaasi waxay ku cadahay darasaadka oo si mug leh u iftiimiyey habka qarsoodiga qorshaysan ee loo dajiyey beesha Arab, qorshayaashaas waxa ka mid ahaa in laga takooro wax xisbi siyaasadeed la yidhaahdo, taaso bilawgii 2012 hirgashay markii Ururkii Xaqsoor awood dawladeed lagu muquuniyey, iyadoo waliba xabad loogu daray caruurtoodii, halka waraaqihii codkoodana dooxa hargeysa lagu tilmaamay si ku jees jees ah.
Darasaadka ayaa waxa ku cad in gabi ahaan beesha Arap laga saaro meelaha talada dalka laga hoggaamiyo iyo carqaladaynta helitaanka waxbarasho, shaqo, iyo matalaad siyaasadeed.
Istaraatiijiyada takoorka-Beesha Arab ee qarsoon tan iyo 2010kii, waxa iska kaashaday xukuumadda iyo ururo aan dawli ahayn oo mashaaricda noocan oo kale ah ka fulisa meelo badan oo aduunka ka mida, una fulisa si qarsoodi iyago markaas awoodda saaraya dhalinyarada wax bartay.
Qorshahan dahsoon ee la soo bilaabay 2010kii waxa mar labaad keenay natiijo wanaagsan doorashooyinkii 2021 ee baarlamaanka iyo deegaanka, taaso hal xildhibaan oo qudha beesha Arab heleen, halkaas dad badan ayaa diidan la sheego in meeshaas wax la farsameeyey. Gobolka Hawd wax kasta oo ay xaq u leeyihiin waa lagala dagaalama xataa miisaaniyada dawladda waa laga reeba.
Darasaadka SOMELITE waxaa ku cad in wakhti hore la qorsheeyay in urur siyaasadeedka HORSEED laga reebo tartanka Madaxtooyada mar labaadkana xisbi ahaan loo reebo. Taasna maanta ayeynu ku gudda jirnaa waxay dhashaba…
Takoorkan nidaamsan ayaa beesha Arab loogu soo dhuuntay in ay deegaanadooda degenyihiin shakhsiyaadka taageera ururada Argagixisada ah, taaso loo samaystay hayado caalamiya oo diyaar u ah in ay dhaqaale kasta ku bixiyaan meeshii loogu sheego cid taageerta argagixisada oo nolosha laga reebo, waliba si farsamaysan oo bilaa dareen ah.
Waxa sidoo kale ku cad darasaadka in beesha Arap loogu dadaalo kala qaybsanaanta dhexdooda, tusaale ahaan in kuwa aan cilmiga iyo caqliga ehelka u ahayn bulshada la horkeeno halka kuwa aqoonta iyo caqliga saaxiibka la ahna la takooro ama la mashquuliye, waxa loogu yeedho JIHEEYNTA QARSOON.
Siyaasadaha takoorka iyo hayb sooca ahi waxay ka hor imanaysa dammaanad qaadka distooriga ah ee sinnaanta iyo matalaadda siyaasadeed.
Dhagartan loo maleegay beesha Arab waxaad moodaa in ay tahay mid qoto dheer oo meelo kale salka ku haysa, waayo shacabka Somaliland waa qaraabo dhamaantood, laba ilmaabtiya ayaa midna nidaamkani soo dhawaynayaa midna fogaynayaa.
Saamaynta dhalinyarada beesha Arab arrinkani ku keenay ayaa waxa ka mid ah shaqo la’aan aad u saraysa iyo ka qaybgalka siyaasadda oo xaddidan, taasoo keeni karta fakhri iyo kacdoon.
Takoorkan dhagarta ayaa dhalinyarada beesha Arab u diidaya fursadaha horumarinta iyo qaabaynta mustaqbalkooda.
Si wax looga qabto nidaamkan takooriga iyo nacaybka ku dhisan waa in la raacaa sharciga iyo qawaaninta dalka u yaala, taaso macnaheedu yahay waa in loo ogolaada ururka HORSEED in u ka mid noqdo tartamayaasha kursiga dalka ugu sareeya, taasi haddii ay dhici waydo waa in ay beesha Arab hadh cad meel iska istaagtaa iyadoon buurna fuulin wax kale oo amni dara ahna samayn.
Waxa kale oo lama huraan ah in horgalada ka qayb qaatay burburinta beesha Arab dhan looga soo wada jeedsado, loona sheego in wakhtigoodii soo idlaaday, xataa haddii uu walaalka yahay.
Si loo burburiyo caqabadaha takoorka iyo ka-qaybgalka siyaasadda waa in la helaa isfahanka beesha dhexdeeda.
Waa in laga gudbo habacsanaanta weyn ee beesha Arab loona gudbaa waxqabad wadareed iyo sinaan isku duubni sees u yahay.
Intaas ka dib beeshu waxay ka shaqayn kartaa dib-u-habaynta siyaasadda iyo kobcinta isku-duubnida beesha Arab, taaso aasaas u noqon karta in Somaliland ay hesho bulsho dhammaan muwaadiniinta lagu qiimeeyo awood iyo aqoon, iyada oo aan loo eegin qabiil.





