Ciidamadda Al-Shabaab Oo Caawa Qarka U Saaran Dhuusamareeb

2010-03-17

 Ciidamo aad u fara baddan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa Caawa jooga meel aan saas uga fogeyn Demadda  Dhuusamareeb kuwaasoo doonaya iyagoo ka faa iideysanaya Khilaafka soo kala dhxe galay Ahlu Sunna Waljameecay inay gacanta ku dhigaan Degmadaas.

Dad goob joogayaal ah oo la soo xariiray Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv ayaa sheegaya in Ciidamadamo fara baddan oo uu Hogaaminayo Yusuf Sheikh Ciise Kaba Ku Tukade ay Maantaddii hore ay ku sugnaayeen inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Duulaanka Al-Shabaab ee ku wajahan Degmadda Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya xilli Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Ahlu Sunna Waljameeca ayna kala kaxeysteen Ciidamadoodii isku dhafka ahaa.

Ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ayagana la sheegayaa inay wadaan abaabul aan saas u buurneyn iyadoona la kala garanaynin inay si wada jir ah ula dagaalami doonaan Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee Degmadda Dhuusamareeb ayaa Saacad walba Dagaal ka dhaca laga filan karaa iyadoo haatan ay kaabiga u saaranyihiin Ciidamadda Al-Shabaab.

WaryaTv Dhuusamareeb-Somalia.

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com