Ardayda Soomaaliyeed Ee Wax Ka Barata Dalka Pakistan Oo Qarka U Saaray In Jaamacadaha Laga Eryo
Sida aynu wada ogsoonahay wadanka pakistan waxa uu kamidyahay wadamadda caalamka ee ardayda soomaaliyeed ay waxbarashada utagaan, waxaana waxkabartay arday aad ufarabadan ilaa iyo 20kii sano ee ugudambaysay ee soomaaliya burbursanayd.
Waqtigaan Pakistan waxaa jooga uguyaraan arday kor udhaafaysa 800 oo arday soomaaliyeed oo dhiganaya kulliyado kaladuwan oo ay kabartaan dhamaan jaamacadaha kaladuwan ee golabadda Pakistan.
sanadadan danbe waxaa ardayda soomaaliyeed soo wajahay dhibaatooyin faro badan iyada oo xataa la adkeeyay visa yaashii waxbarasho ee ay ardaydu ku soo gali jireen wadanka, tusaale ahaan sanadadii ugu danbeeyay ayaanay jirin arday si toosa u timid wadanka, marka laga reebo dad yar oo nasiib kuhelay.
Hadaba marka laga yimaado dhibaatada visa iyo soo galida ardayda soomalida ee wadankan pakistan ,waxa hada soo foodsaaray dhibaatadii ugu waynayd ee abid la soo darista ardaydan, taas oo ay inta badan ardaydani halis ugu jiraan in jaamacadaha laga eryo ama laga caydhiyo hadii aan si dhakhso ah xal loogu helin.
Hadaba dhibaatadani maxay tahay?,maxaase sababay ?
Dhibaatadani waxa ay ka dhalatay sharci ay ku soo rogtay dawlada pakistan dhamaan ardayda bilaabaya jaamacadaha pakistan inay sitaan warqadda ama shahaadada loo yaqaan “equivalence letter”. Taas oo micnaheedu yahay in arday kasta layimaado waraaq cadaynaysa in shahaadadiisu tahay shahaado sax ah oo aan bug ahayn.
Xafiiska uqaabilsan shahaadooyinka wasaaradda waxbarashada ee wadanka pakistan, ayaa shahaadada dugsiga sare ee ardayda dib ugu dira wadamadoodii si loo soo xaqiijiyo jiritaanka shahaadada, marka la soo hubiyo inay sax tahay ayaa ardayga loo sameeyaa waraaq cadaynaysa in shahaadadiisu saxtahay taas oo layiraahdo "equivalence letter".Oo markaas uu ardaygu latagayo jaamacadiisa, la aanteedna uusan jaamacadda bilaabi Karin.
Maxa sababay inay ardada somalida waayaan waraaqdaan (equivalence latter)?
Arday kasta oo ajanabi ah waxaa waraaqdaan usoo sameeya dowladiisii gaar ahaan wasaaradda waxbarashadda, ardayda soomaalida ee pakistaan jooga iyo wasaaradda waxbarashadda ee soomaaliya malahan wax xiriir ah mana garanayaan meel ay kula xiriiraan wasaaradda waxbarashadda ee soomaliya.
ugu yaraan 50 arday soomali ah ayaa haatan qarka usaaran in jaamacadoodii laga eryo kadib markii ay jaamacadda aydhiganayaan ee lugu magacaabo International Islamic University ay soo saartay qoraal cad oo ay kusheegayso in hadii aysan ardayda soomaalida keenin equivalence latter si rasmi ah looga cayrindoono jaamacadda bisha may ee soosocota. ( 31/05/2010)
Maadaama bay yiraahdeen dhamaan ardaydii kasocday wadama kale ee jaamacadda dhiganayay ay keeneen waraadaas. Ardaydaan soomaalidda oo qaarkood yihiin sanadkii ugu dambeeeyay ee jaamacadda.
Hadaba arintaan xal maleedahay?
Haa, arintan waxaa xalinkara wasaaradda waxbarashadda ee soomaaliya.
Hadaba hadii aan nahay dhamaan ardayda soomaaliyeed ee Pakistan waxaan si naxariis leh kaga kacodsanaynaa dowladda soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda waxbarashadda in ay arintaan wax kaqabtaan, gaar ahaan wasiirka waxbarashadda in uu nooyimaado kahor bisha may ( 31/05/2010) maadaama aan maanta kubadbaadi karno oo kaliya imaatinkiisa.
Qore: Ururka Guud ee Ardayda
Soomaaliyeed ee Pakistan (UGAS)
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

