Marwo Aamina Waris oo La Filayo Inay ka Soo Degto Heathrow Caawa
WARYA TV- Marwo Aaamina
Waris oo ah Marwada Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa la filayaa inay caawa saacaddu markay tahay
9.45 waqtiga
Aamina Waris oo maalintii
Axaddii ka soo ambabaxday magaalada Hargeysa wuxuu socdaalkeedu ku soo beegmay
xilli ay la soo gudboonaatay geeri ku timid guddoomiye Axmed Siilaanyo
walaashii oo habeenkii Axadda ku xijaabatay waddankan Ingiriiska (Alle ha u
naxariistee).
Marwada ayaa waxa kale oo
ay la soo kulmi doontaa xilli uu abaabul weyn iyo hawlo farabadan uga socdaan
xisbiga KULMIYE carriga ingiriiska.
Aamina Waris ayaa carrigan
Ingiriiska muddo dheer ku noolayd mansabyo kala duwan ka soo qabatay. Waxa
qoyskoodu ku leeyihiin waddanka Ingiriiska guryo iyo iyadoo ay carruurteedu ay
ku noosl yihiin.
WARYA TV
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

