Arsenal Iyo Manchester City Oo Siwada Jir Ah U Xiiseynaya

2010-03-16

Naadiyda Arsenal iyo Manchester City oo ka dheela horyaalka England aya si wada jir ah usoo bandhigay baahida ay u qabaan helitaanka weeraryahanka reer italy ee dhanka weerarka uga ciyaara naadiga inter Milan Mario Balotelli.


Kadib markii ay soo baxday warar sheegaya in Mario Balotelli uu xagaga soosocda ka diga ragon doona nadigiisa inter milan ayaa waxa dalab xoogeleh kasoo yeeray Naadiga man ciyt iyo arsenal oo sheegay in ay xiiso xogeleh u qaban gacan ku dhigida ciyaartoygaasi intakastoo aysan labada naadiba soo bandhiga qiimaha rasmiga ah ee ku doonayaan ciyaartoygaasi.
 

Sida uu cadeeyay madaxweynaha naadiga inter milan Massimo Murati ayaa sheegay in go'aan uu qaatay ciyaartoygasi Mario Balotelli oo ah in uu xagaga ka taki doona nadigisa inter milan taasi oo ku sababeeyay in khilaaf soke dhexgalay Mario Balotelli iyo macalinkiisa Murinho oo cirka isku sii shareertay tasi oo marki danbe sababtay in ay ka hadasho wasarada ciyaara ee dalka italy . Mario Balotelli waxa uu sheegay kulankii naadigiisa asbuucii hore layeeshay naadiga catania kasii uu murinho uusan wax faah faahin ah ka bixinin sababta ciayartoygasi uu uga reebay kulankaasi.


Mar hadii uu Mario Balotelli ku dhawaaqay in uu ka tagayo Naadigiisa inter milan waxa albaababka hore ee inter taagan man city iyo arsenenal balse Mario Balotelli ila hada wax hadal ah kama uusan dhihihin hadii uu door bidayo in ay iibsadaan labadaasi naadi u  uga ciyaaro horyaalka ay aadka u xiseeyaan ciyaartoyga ee Dalka england balse arsenal iyo man city waxa ay haystaan fursado ay kula soo wareegi karaan Mario Balotelli wa hadii ay inter iyo ladiyadasi ay ku heshiyaan qiimaha lagu iibsanayo ciyaartoygaasi.

Xassan Maxamed Aadan Keysar
WaryaTv Nairobi-Kenya


© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com