Midow-ga Africa Iyo QM Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Adis Ababa
 Qaramada Midoobay ayaa diiran u soo dhaweysay heshiiska ay dowladda KMG ah ee Somalia iyo ururka Ahlu Sunna ku kala saxiixdeen magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmed Ould Cabdalla ayaa sheegay in heshiiska uu dan u yahay shacabka Soomaaliyeed islamarkaana loo qaaday wadada wanaagsan.
Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso heshiiska ay labada dhinac gaareen, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada kale ee aan heshiiska ka qeyb galin inay ku soo biiraan.
"Heshiiska wuxuu astaan u yahay nabad mar kale ka hana qaada gayiga Somalia taas oo soo celinaysa sumcadda shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Axmed Ould Cabdalla wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.
Dhinaca kalena ururka Midowga Afrika ayaa isna dhankiisa si weyn u soo dhaweeyey heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda KMG ah iyo ururka ahlu sunna sida uu shaaciyey sargaal u hadlay ururka Midowga Afrika.
Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ayaa si isku mid ah ugu baaqay dhinacyada heshiiska kala saxiixday inay ka shaqeeyaan meel marintiisa si loo soo afjaro dhibaatooyinka ka aloosan dalka.
Si kastaba ha ahaatee beesha caalamka ayaa si diiran u soo dhaweysay heshiiska, iyadoona Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay qeyb ka ahaayeen dhinacyadii gacanta ka geystay in dowladda KMG ah iyo Ahlu Sunna ay heshiiska kala saxiixdaan.
WaryaTv Nairobi-Kenya
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

