Soomaali Haraad Gaajo U Dhintay Oo Meydkooda La Helay

2010-03-16

 Dad Soomaaliya oo aad u fara baddan una socday Boqortooyadda Sacuudiga ayaa Meydkooda laga helay Buuraleyda u dhexeysa Yamen iyo Sacuudiga sida uu Sheegay Xaaji Xusein oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee ku taal Dalka Yamen.

Soomaalidaan oo ka tagay Dalka Soomaaliya ee Dagaaladdu la hol cayaan ayaa doonayay inay Dalka Yamen ka galaan Boqortooyadda Sacuudigana waxaana inta aysan gaareen ay u geeryoodeen Gaajo iyo Haraad.

Dadkaan oo baaritaan lagu sameeyay ayaa jirkoodu aanan ku oolin Xabad ama Dilk kale oo loo gaystay balse ay u geeryoodeen Gaajo iyo Haraad Maadama aysan wada wax ku filan iyagoona marayay Goobta Mucaaradku u badanyihiin.

Dalka Yamen ayaa Maalmihii dambe waxaa ku badanayay Tahriibayaasha Soomaalida iyadoona 2-dii bari ee ugu dambeeyay ay gaareen Tahriibayaal aad u fara baddan.

Si kastaba ha ahaatee wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Somali ayey dadka Soomaalida ah bilaabeen inay u tahribaan dalka Yemen, iyagoo sii maraya badda u dhexeysa dalalka Somalia iyo Yemen oo badanaa ay halis kala kulmaan.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com