Prof: Dalxa Oo Taageeray Qaraarkii Ay QM Ku Diidey Heshiiskii Badda Ee Somalia Iyo Kenya
 Gudoomiye ku xigeen-ka Koobaad ee Baarlamaanka Dowladda FKMG ee Soomaaliya Prof: Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Gudoonka sare ee Baarlamaan-ka Soomaaliya ay soo dhaweynayaan Qaraarkii ay Qaramadda Bidowbey ku diiday Heshiiskii dhinaca badda ay ahaa ee ay ku heshiiyeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.
Prof: Dalxa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Go'aankii ay Qaramadda Midowbay ku diiday heshiiskii Badda ee sanadkii tagay dhex maray Soomaaliya iyo Kenya,waxaana uu tilmaamay innuu ahaa mid Joqoraafi ahaan lagu doonayay in la qaato qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo hadalkaan ka soo yeeray Dalxa ayaa ku soo aadaya xilli Qaramadda midoobay Shaaca ka qaaday in Heshiiskii Af Afgaradka ee Badda Soomaaliya iyo Kenya uu yahay Waxba kama jiraan.
WaryaTv Muqdisho-Somalia
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

