Nin Indho La’ oo Carabkiisa Wax Ku Arka

2010-03-15

Askari Ingiriis ah oo aragiisa ku waayay Ciraaq ayaa la barayaa sida carabkiisa wax ugu arki lahaa iyadoo la isticmaalayo aalad casri ah (revolutionary device).




WARYA TV- Craig Lundberg oo ah nin 24 jir ah oo uu indho tiray baasuuke kaga dhacay dagaalkii Ciraaq saddex sannadood ka hor, ayaa wuxuu noqday askarigii ugu horreeyey ee Ingiriis ah ee  lagu tijaabiyo aaladdan afka qalaad lagu yidhaahdo (Brainport sytem).

Aaladdan waxay ka kooban tahay teknoolajiyad aad u sarreysa oo u samaysan qaabka nacnac qoriga (lollipop) oo kale kaasoo carabka ugu jira Craig. Aaladdan waxay u beddasha sawirada ka imanaya Video Camera ugu rakiban muraayad uu xudhan yahay Craig signalo la xidhiidha nooca sawirada oo ay maskaxdu aqoonsato kuwaas oo aan ahayn signalada dhandhanka ee uu carabku maskaxda u diro.

 
Qalabkan oo qiimihiisu yahay £10,000 ayaa loogu talo galay inuu la shaqeeyo dareemayaasha aadamaha. Maskaxda marka uu signalada u diro bahalkaas nacnac qoriga oo kale ahi waxa markiiba maskaxdu u gudbisaa xarunteeda aragtida qaabilsan “Visual Centre” si signaladaas oo ah hal xidhaale oo kale ah loo furfuro markiiba loona macneeyo waxa ay yihiin. Signalada maskaxda ay kala shaandhayso ee ay macnayso ayaa kala duwan.
 
Tusaale ahaan, markaad ku jirto meel madow oo aan wax la arkayn, haddii aad ku joogsato dab ama baraf ama irbad mid walba dareen gaar ah ayuu leeyahay. Marka ugu horreysaba markaad, Matalan, mid ka mid ah kuwaas ku joogsato waxay dareemayaashu si xawaaraheeda aan la qiyaasi karin signal u dirayaan maskaxda, maskaxduna si xawaare leh ayey uga soo jawaabtaa waxaad joogsatay waxay yihiin adigoo aan arag. Waxaad markiiba garan kartaa waxaad ku joogsatay waxay yihiin.
 
Maskaxdu waxay awood u leedahay in haddii signaladaas aragtida loo gudbiyo inay Craig u sheegto waxa kamarada uu xidhan yahay ay arkayso si ay aragti ugu beddesho.
 
Wuxuu Craig aaladdan ku sheegay “wax la yaab leh”,
 
“Wixii kamaradu ay eegayso, waxaan ka dareemi karaa carabkayga,” ayuu yidhi.
 
“Markaan lugaynayo meel koridoo ah waxaan garan karaa albaabada, gidaarada iyo dadka igu soo socda aniga.”ayuu ku daray Craig.
 
Aaladdan waxa maalgeliyey wasaaradda difaaca ee Ingiriiska iyo sharikad la yidhaahdo St. Dunstan’s oo taageerta askarta dagaalada ku soo indhabeesha.
 
“Waxaan ahay qof xaqiiqada ku dhaw” ayuu yidhi Craig. “Waan ogahay inaanay aaladdani marnaba ii beddeli karin aragtidaydii, laakiinse waa waxa ugu wanaagsan ee aan immika hayo

 

WARYA TV

Craig's story is featured in an ITV documentary.  


© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com