Maamulka Masaajidka Salaaxudiin ee Magaalada Galkacyo oo Codsaday in laga Caawiyo Dayactirka iyo Dhismaha Masjidkaasi

2010-03-14
Maamulka Masaajidka Salaaxudiin ee Magaalada Galkacyo ayaa Codsaday in laga caawiyo dayactirka  iyo Dhismaha Masjidkaaasi,Waxaana Muslimiinta Somaaliyeed ay ugu Baaqeen in Ilaahey dartii wax loola qabto.

 

Hadaba Codsi ay soo qoreen Maamulka Masaajidka Salaaxudiin ayaa Sidan u qornaa:

 

Walaalyaal waxaan rabanaa inaan usoo bandhigno walaalaha muslimiinta ah dhismaha masajidka salaaxudiin, hadii aan masaajidkaas kabixino faafaahin waxaa ladhisay 1996,  Waxaana  uu ahaa masajidkii igu horeeyey ee dacwada kabilaabatay Galkacyo  isaga iyo dulqarnayn.

Walaalyaal mudo kabacdi masajidka dib uhabayn ayaa lagusameeyay taas oo sabtay in Masjidka oo jameecadii musaliinta qaadi waayay  kulaylay iyo gaabni Awgeed.


masaajidka wax uu ku yaalaa bartamaha suuqa Galkacyo  Kasoo horjeedka iskoolka umada walaalyaal musalintii maanta waxaa dhacda salaadaha jameecaadka inay qaybtood banaanka ku tukadaan.

Sidaa Darteed Waxaan  ku talinay Inaan walaalaha ubandigno meel walba ay joogaan masjidka dhul udhow majiro waawada gurayo filooyin ah oo masajidka ka dhaadheer masjidkana god ayuu ku jiraa markii walaalha masajidka maamulha iyo gudiga masajidka ay tashteen waxaa la iska afkartay.

 

Walaalayaal waxa maantay igu qayr badan in aad waxaaga kubixisid masjidka ama waalidkaa uga dhigtid sadaqato jaariyo ah walaalaha muslimiinta ah waxaan farayaa meelwalba ay joogaan dalka iyo dibada in ay Mashruucaaan Qayriga ah ay ka qayb Qaataan.

Walaalayaal dhamaantii waaxaad ogtihiin Rasuulkii (NNK) In uu yiri qofkii masjid dhisa Ilaahay guri ayuu janada ugu dhisaa,sidaa darted Ilaahey Gurigiisa wax ku bixi.

Waxey La soo xiriir karaan Walaalaha Muslimiinta ah 

Maamulaha : masaajidka salaaxudiin sh.Ismaaciil Khalif Mire Tell:002090-771427

Gudiga Masjidka : Burhaan Mohamoud Gurey Tell:0025290-795363

Gudiga Masjidka: Ibraahim Mohamoud Osman (Ibrahim Abow) Tell:0025290 708300

Gudiga Masjidka: Bilaal Caad Godo Godo Tell: 0025290-749052 ama Foore118@gmail.com

 

Mahadsanid

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com