Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Maanta Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco.
Wefttidan uu hogaaminaya faysal cali Waraabe ayaa waxay ka koobnaayeen Gudoomiyaha Golaha wakiilada ee Jamhuuriayada Somaliland Mr:C/Raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga UCID Adan Mirre Waqaf iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada islamarkaana ka soo jeeda xisbiga UCID.
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ucid Eng.Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay inuu u mahadnaqayo dadkani tirada badan ee goobtani isugu yimi waxaanu si gaara ugu mahadceliyay taageerayaasha xisbigiisa iyo xisbiga kale ee Kulmiye kaas oo ay bahwadaagyihiin marka la eego dhanaka siyaasada.
Waxaa uu gudoomiyuhu ku dheeraday horumarka uu gobolkani gaadhay taas oo uu ku sifeeyay inay ka masuulyihiin dadka gobolkani oo isku xidhnaan muujiyay taasina ay tahay mid lagaga daydo.
Waxaa kale oo uu godoomiyuhu uga digay dadka Gobolkani ku dhaqan inay ka dheeraadaan qabyaalada oo uu ku sifeeyay inay tahay wax ilaahay laga magangalo loona baahanayahay in gacanmaha lays qabsado oo wax lawada qabasado.
Ugu danabayantii faysal Cali Waraabe oo wejigiisa ay cadho xoog lehe ka muuqatahay ayaa ereyo uu ku dhaliilayo xukuumada hada jirta halkaasi uga jeediyay dadweynihii uu kula hadlayay xarunta dhexe ee xisbiga ucid ku leeyahay Gobolka Togdheer isagoo ku sifeeyay in xukuumada hada jirta ay tahay mid ku guuldaraysatay inay horumariso dalka waa sida uu hadalkiisa u dhigaye taas oo uu tusaale u soo qaatay in saaka markii uu ku soo socday magaaalada Burco uu soo maray Wershidii sibidhka Berbera taas oo uu sheegay inay xidhantahay oo xukuumaduna ay u diiday ganacasatadii maalgashanlahayd.
Ugu danbayntii waxa uu faysal Cali waraabe ugu bushaareeyay dadweynaha Gobolkani ku dhaqan in safaradiisii uu dhawanahan ku soo maray dalalka yurub oo ku guulaystay in dib u dhis loo helo maxadkii farsamada gacanta ee Burco.
Waxaa kale isaguna halakaasai ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo isagu wax hadala aan halkaasi ka soo jeedin balse sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta balaadhan ee loo sameeyay xisbigooda.
Maaha markii ugu horaysay ee uu yimaado Eng.Faysal Cali Waraabe balse imaanshihiisan ayaa ku soo beeganatay xili lagu casuumay xaflad loo samaynayo maalinta beri ah arday ka qalinjebinaysa Jaamacada Burco.
Ugu danbayntii waxaa ayaamahanaba isa soo taraysay soo dhaweynaha loo samaynayay axsaabta Somaliland kuwaasi kuwaasi oo ay dadka qaar qabaan inay wadaan olole qarsoon oo dhanka Siyaasada ah, balse soo dhaeyntooda ayaa ku soo aadaysa xili aanay Gudida Komiishanka qaranku astayn maalinta ololuhu ka bilaabmayo guud ahaanba Somaliland.
BY:Maxamed Cawed Maxamed
E-mail:cawad05@hotmail.com
Buroa Somaliland
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

