Lix Dumar Ah oo La Siiyay Dawo Qaldan oo Badhida Lagu Weyneeyo

2010-03-10

WARYA TV- Lix dumar ah oo la dhigay isbitaal la yidhaahdo Robert Wood Johnson University Hospital oo ku yaal Brunswick ayaa la sheegay inay hadda soo bogsanyaan ka dib markii lagu muday irbad badhida lagu weyneeyo (buttocks-enhancement injection) oo ay ku jirto maaddada la yidhaahdo Silikoon oo ah nooc barkadda lagu maydho loogu tala galay in lagu alxamo si biyuhu aanay uga dusin.

 

Masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka New Jersey ayaa sheegay in dumarkani ay u tageen inay dabada ka weynatystaan takhtar aan liisan u haysan inuu adeegaas sameeyo.

Illaa iyo immika ma cadda in kiisaska hweenkani uu meel ka wada dhacay iyo inkale. Welina cid looma xidhin denbigaas.

 

Halkii laga siin lahaa Silikoonta heerka dawo gaadhsiisan (medical-grade silicone) ayaa waxa dumarkan lagu muday silikoon loogu talagalay laxaamada ahaan in loogu isticmaalo barkadaha.

Haweenay ku takhasustay cudurada jidhka oo la yidhaahdo, Tina Tan, ayaa sheegtay in ay khatar fara badan la iman karto arrinta noocan oo kale ahi haddii aan si dhakhso ah loo dawayn.

 WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com