Booqashadii Madaxweyne Sheekh Shariif oo Habsami Uga Socota London

Madaxa Xafiiska Madaxweynaha
Agaasinka Warfaafinta
London, UK, March 8, 2010 - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta shirar badan kula yeeshay magaalada London madax ka tirsan dowladda Britain, isaga oo Madaxweynuhu ugu horrayn la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska David Milband, kaddibna ay kulan yeesheen Ra’iisl Wasaare Gordon Brown.

Kulamadaas dowladda Britain waxa ay u ballan qaadeen in ay dowladda Soomaaliya u fuliyaan dhammaan codsiyadii ay u gudbiyeen. Iyada oo madax kale oo fara badan loo ballamiyey wafdiga Soomaalida saddexda maalmood oo ka haray safarka.

Intaa
kaddib, wafdiga Madaxweynahu waxa uu aqalka Baarlamaanka Ingiriiska
kula kulmay wafdi ballaaran oo qaabilsan iskaashiga caalamiga iyada oo
wafdiga dhinaca ingiriiska uu hoggaaminayey Wasiir Muslim ah, dhanka
kalana ay ka soo qayb galeen xildhibaanno ka socda xisbiga Mucaaradka.
Madaxda dowladda Ingiriisku waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay diyaar buuxa la yihiin gacan siinta dowladda Soomaaliya iyaga uu ku yri, “waan ku garab taagan nahay maxaa yeelay gacan siinta dowladdaada waa arrin sax ah oo xaq ah, danta dalkayaga ayaana ku jirta in aad ka guulaysato argagixisada.

Kulankaas kaddib, Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Xarunta aqoon is weydaarsigav ee Chatham House, halkaas oo kaddibna sul aalo badan ay waydiiyeen dadkii soo buux dhaafiyey oo isugu jirey Somali iyo aqoon yahan, safiiirro iyo aqoon yahan kale.

Maalintii
koowaad ee Safarka Wafdiga Madaxweynuhu waxa ay ku dhammatay guul,
isaga oo berri kulamo badan la leh, wasiirro badan iyo madax kale oo
dalkan Britain ah.
Dhanka kalana waxaa Madaxweynaha Waraysiyo ka qaadaya maalmaha soo socda CNN,, Channel 4 iyo Al Jazeera.

Warfaafinta Madaxtooyada,
media@sompresidency.org
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

