Farxada Guurka Waxaay Hoos uu dhigta Cuduradda Dhimmashadda Keena Daarasad Cusub

2010-03-02

Guurka lamaanaha is guursadaan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay qaybta ugu muhiimsan ee nolasha qofka ama labada qof ee nolasha wadaagaya, iyadoo taasi ay ku lamaansan tahay farxada iyo guuldarada guurkaasi oo keeno.

Daraasad cusub oo dhanka caafimaadka ku salaysan oo dhawaan la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in guurka farxada huwan ee dhex mara haweenka iyo ragga uu hoos u dhigo khatarta cudurada keene geerida ee la soo gudboonaada ragga.

Guurka farxada leh waxaa lagu sheegay daraasada in uu dhimo cudurada uu ka mid yahay Stroke-ga, iyadoo la xusay in raggu oo ku nagaadaa guur farxad leh uu horseed ka dhigo in ninku uu helo caafimaad wanaagsan.

Daraasadan oo laga soo saaray dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in laga qaaday 10 kun oo rag ah, mudadii u dhaxaysay 1963-dii ilaa iyo 1997-kii, waxaana lagu sheegay daraasada in 8.4% boqolka ragga aan xaaska laheyn ee Doobka ah ay u geeriyoodaan cuduro uu ka mid yahay Stroke, halka ragga xaasaska leh 7.1% ay ka badbaadaan cuduradaasi dhimashada sababa.

Ragga aan xaaska laheyn ee sigaarka caba ayaa la sheegay in 64% ay uga dhow yihiin cudurada sigaarku sababo ee dhimashada keena ragga xaaska leh, iyadoo la sheegay in kaliga ah uu aad uga dhaw yahay kan xaaslaha cudurada khatarta ah.

WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com