Madaxtooyada: Hoyga Caddaalad Darrada iyo Cuqabada

2010-02-25
Xarunta madaxtooyada ee Somaliland waxay noqotay il aan gudhin oo ay si joogta ah uga soo maaxdo caddaladdarrada waddanka susmaysa iyo goob ay ku soo hoyato kuna taranto cuqabada ka soo burqata agoonta iyo dadka masaakiinta ah ee habeen iyo maalinba la dulmo. Ciidamada Somaliland ee uu madaxda ka yahay Maxamed Saqadhi iyaguna waxay doorteen inay gaadh ka noqdaan hoygaas caddaalad darrada iyo cuqabada la ciirciiraya.

Waxa maalintii salaasada saldhigga dhexe ee booliska ee Hargeysa loo taxaabay Abshir Xasan Xaashi oo ah xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la garan sababta lagu xidhay illaa maanta oo aanu maqaalkan daabacayno. Abshir oo la socday masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE markii ay boliisku qabteen ee isku duubeen, wuxuu weydiiyey askarta sababta loo xidhayo. Waxay ugu jawaabeen ma garanayno waxa laguu haysto ee annaga soo qabtaa ayaa nalagu yidhi. Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo ay weheliyaan xildhibaan Nacnac iyo xildhibaan Obsiiyee wuxuu u sheegay taliyaha saldhiga boliiska ee Hargeysa oo ahaa halkuu ku xidhnaa Abshir inaanu garanayn waxa loo haysto oo aanu magaciisa iyo denbiga loo haystaana aanu ku jirin buugga OB-ga (Occurrence Book). Xidhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan NacNac oo haddana u tegay taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Somaliland, Maxamed Shiil Dhidir, ayaa u sheegay inaanu u sheegi karin xildhibaanada waxa loo haysto balse ay baadhitaan wadaan. Waa denbiga ugu weyn ee qof muwaadin ah ay dowladdu ka geli karto marka loo sheegi kari waayo waxa loo haysto.
Maanta oo loo yeedhay xildhibaan Nacnac iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la doonayey inay damiintaan Abshir ayaa waxa ku soo dhacay Boliiska taleefan lagu amrayo inaan la sii deyn Abshir. Waxa caddaatay inuu amarkaasi ka yimi qasriga madaxtooyada. Amarkaasi wuxuu gaar ahaan ka yimi Huda Barkhad.
 

Waxyaalaha ku waajibka ah boliis kasta oo dowlad dimuqraadi ah hoos yimaada:

 

Marka ugu horreysa, boliisku xaq bay u leeyihiin inay ku xidhaan haddii ay kugu tuhmaan inaad dembi ku lug lahayd ama lagugu tuhunsanyahayba. Halkii ay doonaan ayay kaa soo xidhi karaan ama gurigaaga ha noqoto ama shaqadaada ama waddo aad maraysaba eh. Hase ahaatee haddii ay damcaan inay ku xidhaan, waxa qasab ku ah arrimahan soo socda:

 

In marka hore ay is caddeeyaan inay bilays yihiin

Inay kuu sheegaan in lagu xidhayo

Inay kuu sheegaan denbiga laguu haysto

Inay kuu sheegaan sababta ay lagama maarmaan u tahay in lagu xidho.

 

Halkan waxa ka muuqata in taliye ku xigeenkii dhammaa ee boliiska Somaliland aanu garanayn sababta uu u soo xidhay Abshir balse uu ku socday oo keliya amar sharcidarro ah oo laga soo bixiyey madaxtooyada-hoyga caddaalad darrada iyo cuqubada. Talefaankaas wuxuu baabiiyey wixii boliisku u taagnaa gebi ahaanba.

Caddaalad darrada foosha xun ee boliiska Somaliland ay kula kaceen Abshir iyo boqolaal qof oo kale oo aynaan garanayna waxay ina xasuusinasaa arrin ka dhacday waddanka ingiriiska beri dhawayd.


Ciidanka boliiska ingiriiska ee Merseyside ayaa waxay soo iibsadeen dayuurad nooceedu yahay kuwa qummaatiga u kaca ee helicopter-ta loo yaqaan, dayuuraddaas oo ah nooca gacanta lagu wado (Unmanned Aerial Vehicle). Dayuuraddaas waxa ku rakiban kamarad aad u awood sarreysa sida ay wax u qabato isla mar ahaantaana marka gudcurka ay tahay ee qofku isku dhex qariyo keyn jiq ah soo saarta oo aragta halka uu ku jiro iyadoo isticmaalaysa kulayka jidhka aadamaha iyo wixii noolba ka soo baxa (Thermal Imaging). Qaybtan boliiska Merseyside waxay markiiba bilaabeen inay dayuuraddaas u adeegsadaan la dagaalanka denbiyada.  Iyagoo dayuuraddaas gacanta kaga kontoroolaya meel aad u fog ayey dayuuraddaasi dul meeraysay oo daalacanaysay labo dhallinyaro ah oo xaday gaadhi lana baxsaday. Mid ka mid ahi wuu cararay, mid kalena keyn buu dhex galay. Labadii tuugba boliisku gacanta ayey ku dhigeen. Hase ahaatee, halkii looga mahad celin lahaa boliiska Qaybta Merseyside shaqadaa fiican ee ay qabteen ayaa maxakamaddu iyaga u qabsatay inay denbi  ku jiraan waayo dayuuradda ay tuugta u adeegsadeen may ahayn mid ay ruqsad u haysteen oo waa dayuurad aan nooceeda hore dunida looga isticmaalin. Illaa ruqsad ay u soo goostaan oo ka helaan hay’adda duulista (Civil Aviation Authority) mooyaane, waxay ku qabtaan waxay noqonaysaa sharci darro. Tuugtaas sidaa ayaa lagu sii daayay.
 
Haddaba xaggay dunida ka jirtaa nin inta la soo qabto jeel lagu tuuro oo boliiskii waddanka oo dhami ay yidhaahdaan garanmayno waxa lagugu soo xidhay ee annagu waannu ku haynaynaa.  Amarkaasi wuxuu ka yimi hoyga caddaalad darrada iyo cuqubada ee Somaliland ee Boliiskuna gaadhka ka yihiin.

Marka xayndaaabka sharciga la isla dhaafo waxa loo galaa waa baabka sharta, Daahir Riyaalena wuxuu u bukaa shar laakiinse wuxuu ka helo ayuu leeyahay ee ha ku sugo hoygiisa caddaalad darrada iyo cuqubada inta uu arkayo shartaas.

 
WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com