U Diyaar Garowga Tartamadda Hooryaalada Kooxaha Yurub Iyo iibsiga Ciyaartooyada.
D/R:- Moh’ed Awad Moh’ed (Sergio)
Waxa dhawaanahanba ka socday qaarada yurub iyo aduunka intiisa kaleba lakala wareegida ciyaartooyada taasi oo hadal weynta ugu badani ka jirtay dalka
Hadaba waxa ugu danbeeyay inay ku guulaystaan xidiga qaranka
Iyada oo kooxda Real Madrid iibsatay isla sanadkan gudihiisa xidigaha kale ee C.ronaldo, Kaka, iyo kuwa kaleba ayaa waxaa la filayaa in ciyaartoygan xirfada badani ay wax ka badalildoonan nadiga kubada cagta ee Real Madrid iyo dalka
Dhanka kale raysalwasaaraha dalaka
Dhinaca kale joornaalada ka soo baxa dalkaasi ayaa iyagu waxay maqaalo ka qoreen isbedlka kubada cagta ee ku soo fool leh dalka Spain ka dib markii kooxda real Madrid dalbatay ciyaartooyada aduunka ugu khibrad badan taasi oo ku tilmaameen (The Real Change Foot Ball In Spain) amaba isbedel dhab ah oo dhacay.
Jimcaha iyo bal joornaaladu waxay ka qoreen iibsiga ciyaartooyada.
Hadynu ku horeyno dhanka dalka Britain jaara’idka magaciisa la yidhaahdo Daily Mirror ayaa waxa uu qoray in xidiga kubada cagta ee naadiga Chelsea Bosingwa la filaayo inuu tagi doono dalka jarmalka gaar haan naadiga kubada cagta ee Bayern munich mar uu ka hadlaayay tabaraha naadigaasi ayaa wax uu sheegay in inay soo dhawenayaan in uu ku soo biro kooxdooda taasi oo ayku tilmaameen haday helaan laacibkani inuu wax weyn ka bedelidoona naadigooda oo aan sanadkan wax kooba ku guulaysan.
Dhanka kale jaraa,idka Daily Star ayaa isagu waxa uu qoray in laacibka Liverpool dhexda uga ciyaara ee Xabi Alonso ay danynayaan kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona oo la sheegay in mid waliba u dhigtay lacag dhan 60milyan oodoolar taasi oo ku kala jiidanayaan balse afhayeen u hadlay naadiga kubada cagta ee Liverpool ayaa isagu sheegay in laacib kani aanu ka tagi doonain kooxdani uuna ku niyadsanyahay inuu kasii ciyaaro gegida weyn ee Anfield.
waa markii labaad ee isla todobaad ay soo baxaan warar sheegaya in labadan kooxood ay ku tartamyaan inay helaan laacibkan ree
Wargayska kale ee ka faalooda ciyaaraha ee layidhaado The sun ayaa isagu waxa uu wax ka qoray wararka sheegaya in laacibka qaranka England una ciyaara haatan naadiga kubada cagta ee Newcastle oo iyadu sanadkan u daadagay heerka serie B (division one) uu tagaayo naadiga horyaalka dalka Ingiriiska ee Manchester united waxaanu la sheegayaa in kooxda manchester ay usoo bandhigtay inuu wiigii qaato lacag dhan 20,000 oo giniga ingiriiska ah iayda hore loo shaciayay inuu ka qaadan jiray Newcastle lacgdhan 10,000 oo ginni .
Hadabab waxa markii ugu horaysay wararkani soo baxeen kadib markii laacibkani oo qaliin galayaa intii aanu u ambabixin cisbataal ku yaala dalkaasi uu af hayeenkiisu la hadlay warbaahinta ka faaloota sportiga uuna soo bandhigay in haatan la joogo waqtigii uu ciyaaryahankani soo ceshanlahaa sumcadiisii kubadeed taasi oo mudooyinkanba uu raagadiyay dhaawc marba lasoo darsaayay waxanu sheegay ciyaar yahankan oo da,diisu iminka tahay 28jir uu ku jiro waqtiga ay kubadiisu ugu fiicnan lahayd loona baahanyahay inuu tago koox weyn oo ka mida kooxaha dalkani sida Manchester United oo kale.
Ugu danbayntiina laacibka halbawlaha ee kabtanka Arsenal Cesc Fabrigas ayaa waxaa la sheegayaa in kooxda dalka Spain ee Barcelona y si weyn u doonayso balse laacibkani ayaa isagu mar uu ka hadlayay arintaasi sheegay in Arsenal tahay ta ugu wacn inuu ka muuqdo shaashadaha caalamka sidaa darteedna aanu si dhayala kaga tagidoonin maadaama uu iminka yahay kabtanka kooxdaasi.
Intaasi waxaa inoogu dhan barnaamijkayagii sports-ka oo aan ku soo qaadnay lakal wareegida iyo hadal haynta ciyaartoy ee kooxaha yurub.
Soodiyaariye Moh'ed Awad Moh'ed (Sergio)
E-mail cawad05@hotmail.com
Burao Somaliland.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

