Karim Benzema Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Real Madrid
Hadal qoraal ah oo ay ku saaciyey Lyon bogeeda internetka ee(www.olweb.fr) ayey ku xaqiijisay in Benzema ay ka iibisay kooxda Real Madrid ee dalka Spain iyadoona kooxda sheegtay in ay u heshay lacago dhan 41 million oo lacagta euros ah.
Weeraryahankan 21 jirka ayaa noqonaya ciyaaryahanki sadexaad ee kusoo biira
kooxda Real dhawaanahan,waxaa horay ugu soo biiray ciyaaryahanada kala ah Kaka
iyo Cristiano Ronaldo.
Benzema,oo kasoo caawiyey kooxda Lyon afar
horyaal oo xiriir ahaa inti udhaxeeysay sanadihii 2005 iyo 2008 ayaa dhawaanahan
lala xiriirininaya in uu sii joogi doono kooxdiisa,hase yeeshee waxaa uu si lama
filaan ah ugu biiray kooxda Real.
Ciyaaryahan Benzema ayaa waxaa uu ku
dhashay magaalada Lyon ee dalka France,waxaa iska dhalay hooyo iyo aabe kasoo
jeeda dalka Algeria,Benzema waxaa uu noqday nin la yaab leh marki uu jiray 17
sano isaga oo isla sanadkaasi saftay kulankiisii ugu horeeyey ee horyaalka Ligue
1 dalka Farcne sanadi 2005,xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa waxaa uu ahaa
2007-08 markaas oo uu qaaday gol dhalinta horyaalka Farasiiska oo uu ku qaaday
20 gool,waxaa uu markaasi xitaa la qaaday kooxdiisa horyaalka iyo koobka
dalkaasi.
Wuxuu ka mid ahaa ciyaartooyda xulka France ee da,doodu ka
hooseeyso17-ka sano ee qaaday koobka Qaarada Yurub sanadi 2004 isaga iyo
ciyaaryahanka Arsenal Samir Nasri sanadi 2004, Benzema wuxuu udhaliyey xulka
France lix gool 24 kulan oo uu usaftay.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.