Dawlada DF Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Inay Dagaalyahano Shisheeye Oo Laba Ah Gacanta Ku Dhigtay
Muqdisho (Waryatv.com), Dawlada FD somaliya ayaa shaacisay inay gacanta ku so dhigtay laba dagaal yahan oo shisheeye ah oo ay ku soo qabteen dagaalkii shalay ku dhexmaray kooxaha islaamiyiinta ee mucaaradka iyo dawlada FD somaliya dagmada kaaraan .
Warkan waxa ku dhawaaqay af hayeenka ciidamada malatariga DF somaliya Farxaan Casaanyo oo la hadlay saxaafada waxanu sheegay in ay dagaal yahanadan shesheeye ay soo qabteen iyagoo la safan kooxaha mucaaradkaa.
Dawlada FD somliya ayaa cadaysay in ay u soo bandhigi doonto saxaafada labadan dagaal yahan ee shisheeyaha ah.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga ee Dowladda DF ah ee Soomaaliya Farxaan Casaanyo ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Kaaraan ay guulo ka gaadheen isla markaana ciidamada dowladda ay gudaha u galeen goobo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga ka soo horjeeda, islamarkaana ay qasaare baaxad leh u gaysteen.
Dhinaca kale dagaalada degmada Kaaraan ayaa ah kuwo weli socda oo aan joogsan, iyadoo labada dhinac ay kala sheeganaayaan guulo inay dagalkii shalay mid kasta ay iyadu ka gaadhay.
Xafiiska Wararka Waryatv
Reported by:-
Max’ed Max’ed Haybe
M.Taajir
Sonsfayr@hotmail.com
Waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

