Hoos U Dhaca Idaacada BBC-Da Yaa U Sabab Ah?

YSUUF GARAAD
Barkhad-Ladiif M. Cumar
Sidaynu la wada socono waxaad ogtihiin hoos u dhaca idaacadii wayneed ee BBC-da taas oo ay ugu wacan tahay dadka madaxda ka noqday ee hogaanka u yahay kuwaas oo dadkii nacsiiyey isla markaana idaacada ka dhigay idaacad shakhsiyeed.
Hadaba haddii ay idaacda BBC-du waayo qaar ay ahayd idaacda kaliya ee khuurtada iyo kootada ku haysatay dhagaha dhulalka ay degto Soomaalidu ayaa haatan noqotay mid gabi ahaanba aan dareen weyn iyo soo jiidasho ku dhex lahayn bulshada afka soomalida ku hadasha.
Nacbaasnhaha ama jec la’aanta dhagaysiga idaacad weyn ee BBC-da waxay timid ka dib markii ay furmeen idaacado madax banaan oo dibada iyo gudaha laga furay, haddii tusaale usoo qaatana halka aan ku noolahay ee Hargeysa waxa aad loo dhagaystaa ama lala socdaa wararkeeda waa idaacada weyn ee VOA iyo idaacada Horyaal ee guda iyo dibadba laga dhigaysto.
Tartanada loo galay inay idaacada hoos u dhacday waxa horseed u noqday idaacada VOA oo xaqiijisay in aan la dhagaysan BBC-da.
Sababta ay idaacada VOA-du ugala wareegtay dhagaystayaashii idaacada BBC-da waxa ka mid ah;
idaacada VOA-du waxay si cadaalad ah ugu qaybiyey waryayaashii gobolada iyo dhulalka ay somalidu degto wariyayaal isleeg.
iyadoo barnaamijyo cusub iyo fikrado cusub ku soo kordhisay.
iyadoo wakhtiyada ay BBC-du soo gasho saacad ka hor soo gasho oo warkii ay BBC-da laga dhagaysan jiray ay idaacadan laga dhigaysto, isla markaana ay noqoto war la hayaa xiiso ma leh.
iyadoo saddexdii jeer ay idaacada BBC-du soo gasho wax yar ka hor ay VOA-du soo gasho, 4:00 pm,7:00pm, 6;30 AM..
halka BBC-da dooda toobad la sugo ayey qabataa VOA-du maalin walba soo daysaa dood gaaban iyo mid caadi ahba.
isku hawlida hilada warar sugan oo hiiso leh isla markaana dadka xiisa galiya ayey VOA-du ku dadaaashaa, halka idaacada BBC-du warar dhan uun raali galiya ama ku shaqaynaya rabitaanka madaxdooda ku shaqeeyaan, haddii warar sugan oo dhab ah ay hayaan laakiin aanu raali galinayn madaxa idaacada laanta af soomaliga lama sii daayo, warna maaha.
iyadoo wareiyaashii codka macaana ee waaweynad ay iskaga tageen, qaarkoodna u wareegeen VOA-da kuwaas dhagaystayaashoodiina kaxaystay ama la wareegay.
Marka aad qodobadaasi isku gaysid isla markaana aad maskaxdaada la gaashato waxaad ogaanaysaa cadaalad darada iyo dhexdhexaadnimo darada idaacada laanta af soomaaliga ee BBC-da, waxayna ceebaysay isla markaana meel kaga dhacday sharaftii iyo qiimihii ay idaacadu ku lahayd caalamka tan iyo intii uu yimid madaxa hada laanta afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad.
Tusaae haddaan ku soo qaato horumarka ka socda Somaliland inta badan kama hadlo, balse haddii dhibaato yari dhacdo waa warka koowaad iyo farxada yuusuf Garaad.
Teeda kale waxa bari jirtay in uu qasab inagu baray laba nin oo walaalo ah oo uu inagu yidh waa aqoon yahan somaliyeed, taas oo aan iska waydiiyey in badan Somali oo dhan ma labadan nin ayaa aqoon yahan kali ka ah, taas oo uu ceebeeyey baqolaal qof oo aqoon yahan oo dunida ku kala nool, taasna waxa beeniyey idaacada VOA oo soo saartay boqolaal aqoon yahan oo xiitaa magaalada uu ku nool yahay ee London jooga, taas oo uu daah saaray inshana u laliyey kumanaanka kun ee mayl ee Ragaasi jogaan ee Maraynkan,isago u soo xushay un inay la naceb yihiin Somaliland oo isku fikrad ka yihiin gooni isu taiga Somaliland, balse aanu aqoon kale u soo xulan, ilaa ay aqoontoodu gaadhay siday wax u wadeen inay yidhaahdaan qof inaga mid ah waa Nabi, taas oo in badan oo dadkii wakhtigaa dhagaysanayey ka soo yeedhay (inaali laahi waa inaahi raajucuun) waar maxaa ka soo yeedhay waa ninkaa ninka uu Yuusuf Garaad aqoon yahanka ku tilmaamay.
Raga uu aqoon yahanka ku tilmaamay waa kuwii Aaskii hooyadood iman waayey, oo kii abtigood ee soo koriyey ee kaalin galiyey ee aaska hooyadii ku socday markuu isna geeriyooday iman waayey .
Qofka bani aadamka ahi waxa uu aduunka korkiisa ugu jecel yahay waa waalidkii dhalay, nabigeenuna waa kii markuu abaalka hooyada tilmaamayey lahaa saddex jeer iyadaa kugu xaq mudan, ma ninkaasi ayaa aqoon yahan soomaliyeed ah ama noqon kara,ma ninka garashadiisu sidaa noqotay, ma ninka aaska waalidkii iman waayey ee xabaashii hooyadii arki kari waayey ayuu yuusuf Garaad ina leeyahay talada ummadda Somalia ayaan wax ka waydiinayaa.
Dhaqan ahaan marka uu qof waalidkii dhinto meesha uu doono ha jooga waakaa yidhaa ha iga aasina aan soo gaadhee, isna waxa uu yidhi waxaan ka talo bixinaya Qaran somaliyeed.taasina miyaanay ila qosol ahayn tii doonayo inuu ka taliyo miyuu aaska hooyadii ka taliyo oo uu soo booqdo.
Si kastaba ha ahaatee idaacad VOA-du waxay soo saartay boqolaalkii aqoon yahan ee ay daaha saari jirtay BBCdu, iyadoo ka soo faqday magaalada uu ka shaqeeyo ee London.iyo meel walba.
“idaacada BBC-da waan dhagaysan jiray laakin hadda ma dhagaysto sababtoo ah wax aan ka dhagaysto ayaanan jirin, waxaana kaalintoodii ii bedelay idaacado kale oo madax banaan, sidaad darteed waan ka raystay idaacadii kootada nagu haysatay”sidaa waxa yidhi arday dhigta jaamacada Hargeysa Cabdirashiid Cali.
Wiil kale oo isna ka hadlaya qiimo dhicista idaacada ayaa yidhi “hoos u dhaca idaacada waa wax qof walba u muuqda, haddaad dhagaysatid 7:00 subax ilaa sagaalka subax nimo wax isku mid ah ayaa ka wada baxa oo warar isku mid ah.
Ta kale cadaalada darada iyo xumaanta BBC-du waxay keentay in la faalooyo ilaa gaadhay cida ka shaqaysaa waxay yihiin iyo halkay ka yimaadeen xiitaa qabiil ahaan ayaan ogaaday, halka aaan idaacada VOA-da aanan garanayn cida ka shaqaysaa waxay yihiin cida ay yihiin taasi waxay marag furaysaa in marka wax wanaagsan oo xumaatay aad aragtid aad iswaydiinaysid wax badan”Fu’ad Xasan Nuur.
Aragtiyaha labada qof soo jeediyeen waa mid ay qabaan dad badan oo ku nool Somaliland, iyagoo sheegay in mudnaanta la siiyo waxyar oo aan waxba ahayn oo ka dhacay muqdisho, halka wax wanaagsan oo dadkan u wanaagsan Somaliland-na qashinka lagu daro.
Taas waxa cadaynayaa inta barnaamij ee arrimaha bulshada ah oo aan siyaasad ku lug lahayn ee lagu qabto Hargeysa iyo sida aan loo waahin, halka Muqdishana laba qof oo wax qabtay la buunbuuniyo wakhti badana la siiyey.
Cuqdada madaxa laanta afsoomaliga ee idaacada BBC-da waxa ka mid ah:
18 may oo ah maalinta qaranka Somaliland gooni isu taagay oo meel walba aduunka lagu dhigay ayaanay idaacada BBC-du marnana soo qaadin, iyadoo cid walba ay tilmaamaysay farxada iyo isku bogaadinta dadka qurba jooga iyo gudaha joogaba ay isku hambalyeynayeeen iyo munaasibadihii layaabka lahaa ee loo qabtay xuska maalintan Somaliland ku weyn, iyadoo iyadoo BBC-du arrintaas daaha saartay, iyadoo dhamaan website ka hawlgala muqdisho ay soo wada qoreen kuwaas oo si fiican oo qurux badan u qoray, sidaa darteed ninka xume ee xaasidka ahi cidna ma aha.
Waxa wax lala yaabo ahayd maalintii xuska Muj:Maxamed Mooge Liibaan oo xaflad weyn oo taariikhdiisa iyo qiimaha uu ku lahaa Somaliland lagaga sheekeeyay oo idaacada BBC-du aanay siidayn, isla markaana heestiisa ku sabsanyd waxbarashada ee uu ku luuqayana barnaamijkooda waxbarashada kuma sii dayaan.
Waxa kale oo ka mid ninkii muwaadinka soma;liland u dhashay ee aduunka meelo badan gaadhi ku soo maray ee la yidhaahdo Maxamed Muuse Maqtal, aan marna BBC-da laga soo dayn. iyadoo dhanka kalena idaacadii ugu horeysay ee baahisay ay ahayd VOA oo waraysi xiiso leh ka qaaday, isagoo markii uu Hargeysa yimid isla markiiba ka sheekeeyay cadaalada darada iyo necbaanshaha Somaliland ee Yuusuf Garaad madax BBC-da laanta afka Soomaaliga, isagoo sheegay in marar hore warbixino uu kaga hadlayo Somaliland oo uu idaacada siiyey aan la baahin.
Waxa kale oo ka mid ah colaada Yuusuf Garaad, dhawaan ayaa QM oo waday hawl ay iskugu soo ururinayso saraakiishii xooga dalka Somalia oo ay ku doonayso inay dib u soo noolayso ayaa ragii Somaliland u dhashay ee arrinkaa ka biyo diiday oo ka hadlay ee mujaahidiinta ahaa aan laga soo dayn BBC-da iyadoo xaq loogu leeyahay in jawaabta war ka soo baxay idaacada ciddii dhibsatay ka jawaabi garto isla idaacadii ,waxaanu halkaas ku lumiyey xeerkii saxaafada ee jawaab celinta dhageystayaasha..
Si kastaba ha ahaatee bulshada reer Somaliland waxay leedahay laga raysay kootadii ay ummada dhagahooda ku haysatay idaacada Laanta afsoomaliga ee BBC-da oo waxay maraysaa inay idaacadii waynayd ee caanka ahayd uu nin yari xuurtaysto .
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

