Xaflad Aan Ujeedadeeda La Shaacin Oo Xalay Madaxtooyada Lagu Qabtay!
Hargeysa, July 2, 2009 (WARYATV)- Xaflad aan si rasmi ah loo shaacin munaasibadda ay ku saabsan tahay ayaa xalay lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland halkaas oo lagu soo bandhigay bandhig faneed heeso.
Inkasta oo aan ilaa hadda wax war ah laga soo saarin munaasibada xafladaasi, hadana waxa ay warar ku dhawdhaw aqalka Madaxtooyadu ay sheegeen in xafladaasi loo qabtay Fanaanada Maryan Mursal Ciise oo beryaanba socdaal ku joogta dalka Somaliland.
Hasa yeeshee munasibadan oo ku soo beegantay 1-dii July oo ah maalintii ay koonfurta Somalia ka qaadatay xornimadeedii Gumaystihii Talyaaniga iyo midawgii labdii gobo lee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu, sanadkii 1960-kii, midnimadaasi oo noqotay mid lagu hungoobay aakhirkiina horseeday burburka ilaa hadda ka jira Somalia.
Xafladan xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland oo ku soo beegantay maalinta kowda Julay ayaa dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ku dhalisay dareen sababta loogu beegay, iyada oo ay dhawr cisho ka soo wareegtay xafladii 26 June oo iyadana lagu qabtay qasirga madaxtooyada, si kastaba ha ahaatee xafladan lagu qabtay madaxtooyada ayaa ahayd mid amaankeeda aad loo adkeeyey, isla markaana ay Fanaaniinta Somaliland ku soo bandhigeen heeso .
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

