Komishanka oo Sheegay in Toddobaad Gudihii lagu Ogaan Doono Cidda Caqabadaha ku ah Hirgalinta Doorashada
Hargeysa (WARYATV)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay kulan layeeshay madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, iyaga oo kala hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa hawlaha doorashooyinka, isla markaana loo dhamayn lahaa waxyaabaha caqabadaha ku ah qabsoomida Doorashada.
Ma cada natiijada ka soo baxday kulankaasi iyo waxyaabaha labada dhinac isla meel dhigeen, haseyeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ahi, waxa madaxweynuhu komishanka doorashooyinka u sheegay shuruudaha deeqbixiyayaashu aanay ahayn qaar Somaliland khuseeya, loona baahan yahay in gudida xeerbeegtida ah komishanku soo magacaabaan, isla markaana gudida doorashooyinka laga bedelo oo qudha xubinta xisbiga Ucid soo xulay, inta kalena sidooda loo daayo.
Waxaanu sida wararku tibaaxeen madaxweynuhu komishanka faray in ay deeqbixiyayaasha u qoraan waraaq ay arrimahaas ku cadaynayaan, basle Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Xasan Cumar Hoorri oo u warramayey xalay Idaacadda Radio Horyaal, waxa uu sheegay in si cad loogu kala bixi doono masuuliyadda khilaafaadka ku gudban qabsoomidda doorashada, sidaa daraadeedna ay wixii ka dambeeya Sabtida toddobaadka soo socda si cad u soo bandhigi doonaan cidda ka soo bixi weyda xilka kaga beegan arrimaha doorashooyinka.
Xasan Cumar Hoorri waxa kale oo uu waraysigaas kaga xog-waramay natiijada kulamo labadii maalmood ee u dambeeyey Komishanku la lahaa xisbiyada qaranka iyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Ugu horreyn Mr. Hoorri oo la weydiiyey halka ay u marayaan hawlihii u diyaargarowga doorashadu waxa uu ku jawaabay, “Aniga oo ah xubintii ugu dambeysay ee Komishanka Doorashooyinka ku soo biiray, wax walba waxaan ka horreysiinayaa xisbiyada qaranka, xukuumadda talada haysaa iyo shacabka, taas oo ah doorashooyinka maaha xil Komishanka oo keliya saaran ee waa mid ummadda oo dhan wada saaran. Waa markii ugu horreysay ee aan qof diblumaasi ah ka maqlo maanta haddii aad ku guuleysataan doorashooyinka aqoonsigiinu kaabiga ayuu saaran yahay.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadan innagu soo foolka lihi waxa tii imtixaanka ku ahayd Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaanba, waxaanna la rabaa in aynu dhammaanteen garbaha iska taagno, haddiise innagu aynu yooyootano, waxaan arkaa in dalka loo go’aaminayo dhibaato, dagaal, xumaan, xabbad iyo waxaan laga bixi karin. Markaa waxaan leeyahay waar doorashadu Komishankana uma taalo, xisbiyana uma taalee ummadda oo dhan ayey u taalaaye aynu garbaha isku qabsano.
Haddii aan taa ka gudbo ilaa hadda intaan anigu xogogaal u ahay xisbiyada iyo Komishanka Qaranku waxay ku taagan yihiin doorashadu waxay qabsoomaysaa xilligii loogu talogalay oo ah 27-ka September Illaahayna sidaas ayaanu ka baryeynaa. Xaqiiqdii waa la sii odorosi karaa inay jiraan waxyaabo badan oo dib nooga dhacay, haddana waa laga daba tagi karaa haddii niyad-wanaag iyo dedaal lala yimaaddo oo xil qaran la isla saaro.”
“Komishanka labada casho ee innagu soo fool leh ilaa Jimcaha waxaannu rabnaa in aannu arrinkayaga soo gebogebayno, waxaannu rabnaa in aannu deeqbixiyeyaashii la hadalno, waxaannu rabnaa in ballanqaadii ay galeen ee ahaa inay lacagta bixiyaan in aannu ku nidhaahno lacagta waqtigeedii ku soo shuba, waayo dhinicii kale xukuumadda waannu ka haynaa, waxaannu rabnaa oo wax walba ka muhiimsan doorashadu mar walba dib ugu dhacaysay innaga oo nidhi yaanay qabsoomin iyada oo aan dadka la diiwangelin, natiijadii diiwaangelin oo gacanta ugu jirta deeqbixiyeyaasha iyo hay’adda aannu wadashaqayne ee Interpeace iyaguna inay muujiyaan mowqifkooda oo ballanku siduu ahaa ku soo baxdo. Intaas haddii wax ka duwani soo baxo waa la isla ogaan, annaguse waxaannu ku rajo weynahay inay wax waliba sidoodii ku socdaan.”
Mar la waydiiyey su’aal ahayd waxyaabihii ugu soo baxay kulamo ay la kala yeesheen Salaasadii iyo Arbacadii shalay axsaabta iyo Madaxweyne Rayaale, waxa uu ku jawaabay; “Komishanka Qaranka waxa uu shalay [Salaasadii] la kulmay xisbiyada KULMIYE, UCID iyo UDUB, maantana [shalay] annaga oo lix xubnood ah waxaannu la kulnay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Xaqiiqdii waxaan arkaa canaan dhinac kasta ha ka jirtee, dhammaantayo waxaannu ka wadahadlaynay ujeeddadu isku mid ayuun bay ahayd, doorashadu xilligii loo muddeeyey ee 27-ka September inay qabsoonto, ciddii ay ka qabsoomi kari waydo iyo ciddii hortaaganina way soo bixi doontaa, ilaa haddase cid aannu dhaliilayno cid aannu eed saaraynaa midna ma jirto. Saddexda xisbi waxaannu ka sugaynaa ugu dambeyn Sabtida inay noo soo gudbiyaan iyaga oo soo gebogebeeyey xeerkii anshaxa doorashada oo aannu hore ugu gudbinay oo aannu qallinka ku duugno annaga oo bisinka u qabanay, kadibna aannu halkaa ka sii socono, markaa anigu ma dayrinayo.”
Md. Hoorri oo la weydiiyey su’aal ahayd toddobadiina xubnood ee Komishanku idinka ayaa masuuliyadda doorashada leh, waxaanna isku kiin barbar yaalla guul iyo guul-darro, markaa intii goor dhow la odhan lahaa doorashadii dib ayey u dhacday, haddii aad iminka ogtihiin cid hagardaamaynaysa doorashada xukuumadda amma xisbiyada ha noqotee, miyaanay habboonayn inaad is-barraxdaan oo tidhaahaan ciddaas ayaanu wax ka wadi kari la’nahay? Waxa uu ku jawaabay; “Maya way tahay, run ahaantiina dhaliilo way jiraan, waxaynu qarsanaynana maaha, dhaliiluhu Komishanka dhexdiisa ayey ka jiraan, axsaabta qaranka ayey ka jiraan, dhinaca xukuumadda ayey ka jiraan, hadda runi run bay gaadhay, waayo hadday fooli timaad gudo qarsiimo way hadhay, waxaan qabaa anigu toddobaadkan wixii ka dambeeya in aan dambiga la wada yeelan doonin, waxaan qabaa oo aan ku rajo weynaha oo aan Illaahay ka baryeyaa inaanu dhammaantayo arrinkan xalay dhalay ka noqono oo aannu is-eedaynta iyo yooyootanka oo aannu isku taagno danta qaranka. Haddii labadan toddobaad ee soo socda aynu hawsha 80% riixi weyno dib-u-dhac ayaa imanaya, waanna ta laga digaayo, markaa eeda lama wadayeelanayee cid uun baa yeelan doonta. Laakiin, ilaa hadda intaan hubo xisbiyada qaranka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo aannu maanta [shalay] la kulanay, deeqbixiyeyaasha iyo annaga gudahayagaba waxaan u arkaa arrimuhu si wanaagsan u socdaan.”
Mar la weydiiyey waqtiga kama dambeysta ah ee ay u sheegi karaan in natiijadii seerfarku soo baxayso, maadaama waqtigii Guddoomiyuhu hore u sheegay ku beegnayd Salaasadii dorraad, balse aanay suurtogelin, waxa uu kaga jawaabay; “Waxaan ku rajoweynahay maalinta Sabtida haddii aannu isku nimaadno annaga oo war dhammaystiran ka hayna deeqbixiyeyaasha lacagtii laga sugayey, natiijada seerfarka iyo xeerka anshaxa ee xisbiyada laga sugayo insha allaahu Sabtida inaanu war dhammeystiran la nimaadno, warkaas haddii uu noqon waayo mid dhammeystirana eeda lama wada yeelanayo, cidda eeda leh waa cid uu qaranku ogaan doono, haddii uu Komishanka noqdo, haddii xukuumadda noqoto iyo haddii ay deeqbixiyeyaasha noqoto.”
Md. Hoorri oo la waydiiyey su’aal ahayd bixinta qandaraasyadii doorashadu waxay ku beegnayd 26 June, taasina may dhicin, markaa waxaad leedahay dib u dhacaa weyn ee jira waa laga gaadhsiin karaa haddii la dedaallo? Waxa uu yidhi; “Waxaan qabaa adigu eedaa lama wadalaha ee waxa iska leh deeqbixiyeyaasha, xilligaa lagu ballansanaa waxa uu ka yimi dhinaca deeqbixiyeyaasha, markaa hadda waxaannu u qoraynaa qoraal aannu sidaa ku muujinayno ee dana aannu iyaga dusha ka saarayno, wixii ka dambeeya in aannu hawsha u wada dhammaano, lana rabo in laba bilood ka hor 27-ka September la helo natiijadii seerfarka, qandaraasyadana la bixinayo iyo shaqaalaynta gobollada iyo degmooyinka, markaa insha allaha sidaas ayaanu ku rajoweynahay, sidaan kuu sheegayna Sabtida wixii ka dambeyaa eeda lama wadayeelanayo, waxay noqon doontaa inuu eeda dhinac yeesho oo la isla ogaado, waxaanse ka soo horumarinayaa sidii looga bartay qarankeeda in waxaynu heshiis ku nahay oo suurtogaliya in 27-ka September doorashadu qabsoonto inay Insha Allaahu Sabtida soo baxayso.”
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

