Gudoomiyaha Kulmiye Oo Soo Gaadhay Hargiesa +Booliska Oo Si Xun Ula Dhaqmay
Hargiesa (Waryatv.com), Guodomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye Md Axmed Moh’ed Moh’ud (Siilaanyo) ayaa saaka abaaro 10 subaxinimo ka soo dagay garooynka diyaaradaha ee magaalada Hargiesa.
Waxaana halkaas kaga hortagay gudoomiyaha madaxda xisbiga kulmiye iyo taageerayaal aad u badan, waxaana ka mid ahaa xubnihii halkaas gudoomiyaha kaga hortagay, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan guddiga fulinta ee xisbga kulmiye.
Balse booliiska ayaa iska hortaagay madaxdii Kulmiye ee xiligaasi diyaarka u ahayd soo dhaweynta gudoomiyaha in ay gudaha u galaan Airport-ka.
Markii uu gudoomiye Siilaanyo soo
Gudoomiyaha ayaa ka biyo diiday sida ay booliska magaalada Hargiesa ula dhaqmeen madaxda xisbiga Kulmiye.
Shalay ayey ahayd sida ay sheegayaan xuno ka tirsan masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga Kulmiye in ay booliska u direen warqada ku saabsan soo dhaweynta guudoomiyaha, balse booliska ayaa markii saaka goobta la yimi waji kale ku qaabilsay madaxdii isugu timid Airport-ka.
Maaha markii ugu horaysay ee booliska magaalada Hargiesa si fool xun ula dhaqmaan madax ka tirsan xisbiga Kulmiye isla sanadkan gudihiisa.
Mar aanu khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay mid ka mida dadkii ku sugnaa xiligaas Airport-ka ayaa noo sheegay
“Booliska ayaa waxay ka hor istaageen madaxda Kulmiye in ay gudaha u galaan Airport-ka”
Xafiiska Wararka ee Waryatv
Burao/Somaliland
Reported by:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
ibrahimqasim@waraytv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

