Maldini Oo Diiday In Uu Ku Biiro Chelsea

Source: SM
2009-07-01
MILAN:- Kabtankii hore ee xulka Talyaaniga iyo kooxda AC Milan Paolo Maldini ayaa diiday in uu ku biiro kooxda Chelsea oo udirtay dalab ah in uu ka mid noqdo kaaliyaasha macallinka cusub ee kooxda Carlo Ancelotti.

Ciyaaryahankaan 41-jirka oo ka fariistay guud ahaan ciyaaraha k/cakta dhamadki xilli ciyaareedki lasoo dhaafay ayaa waxaa si aad ah udoonayey macallinka cusub ee kooxda Chelsea kaasoo ay mar soo wada shaqeeyeen xilli ay wada joogeen kooxda AC Milan.

"Wuxuu ahaa qorshaha ay Chelsea ku dooneysay Maldini mid aan aniga soo jeediyey laakin waqtil xaadirkan wuxuu doonayaa in uu nasto"sidaa waxaa yiri Ancelotti oo la hadlay Radye laga leeyahay dalka Talyaaniga.


Ancelotti, oo wax laga eeydiiyey doonitaankiisii ku aadan xidigaha Milan ee kala ah Alexandre Pato iyo Andrea Pirlo ayaa waxaa uu sheegay in arrintaasi ay jalaafeysay lacagihi faraha badnaa ee ay kooxda Real Madrid ku iibsatay Cristiano Ronaldo kaasoo ay kaga iibsatay kooxda Mancheter United lacago dhan $130 million.

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com