Sheikh Indha Cade Oo Ku Tilmaamay madax Al-Shabaab Nin Aan Diinta Waxba Ka Garaneyn
Indha Cadde ayaa sheegay inuu isagu ka mid ahaa aas aasayaashii Alshabaab,
hase yeeshee wuxuu cadeeyay inay ka leexdeen waxyaabo badan oo ay noqdeen urur
gaar ah, isagoona ku eedeeyay inay jeebkooda kaliya ku jirto islaanimada iyo
gaaleysiinta, iyagoo aan heysan aayad ama xadiis.
Waxaa uu sheegay in
Xarakada Alshabaab ay yihiin kuwo fulinaya amaro iyo xukuno ka soo baxaya
Pakistan, wuxuuna tilmaamay inay caqabad ku yihiin nabada dalka Soomaaliya, ayna
doonayaan inuu dalka Soomaaliya uusan weligiis yeelan nidaam iyo kala dambeyn oo
dadkii ay rabaan ay dilaan oo ay gaalaysiiyaan, dadkay rabaana ay xukun aan loo
dhamayn ku fuliyaan.
"Aniga iyo ninka Madaxda u ah Alshabaab Axmed Godane
waa is garaneynaa ma ahan nin Culumo oo diinta yaqaan kamana yeeleyno inuu qori
caaradii wax nagu xukumo oo nagu gaaleysiiyo"ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha Cadde
oo banaanka soo dhigay wajiga rasmi ee Xarakada Alshabaab iyo ninka Amiirka u
ah.
Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku
tilmaamay hadal uu dhowaan jeediyay Usama Bin Laden kaasoo ahaa in xukunka laga
tuuro Dowladda Madaxweyne Shariif, isagoona cadeeyay in Usama laga doonayo inuu
hadalkaas ka towbad keeno oo uu amray in la laayo dad islaam ah.
Waxaa uu
sheegay in Kooxda Alshabaab ay tahay koox kaliya ka go'an dagaal oo aanay
dooneyn wada hadal isagoona sheegay in ay iyaguna ka yeeleyn waxa uu ugu yeeray
xoog iyo qori caaradii.
"Nimankaan la baxay Alshabaab Dowladda gogol ayay
u fidisay waxaa laga dalbaday in waxa qaldan la isla saxo haddii tahay
dhinacooda iyo dhinaca Dowladda, way diideen oo ay ka doorteen dagaal, marka ma
suurto galaysaa qori afkiisa ayaan kugu gaalaynayaa, kugu musliminayaa, annaga
Islaam ayaan nahay, Islaanimada waxaan uga dayanaynaa Rasuulka (CSW) ma ahan
inaan uga dayano ninka sheegta Amiirka Alshabaab ee Axmed Godane"ayuu mar kale
ku celiyay Gen. Cadde oo ugu baaqay shacabka in la difaaco
Dowladda.
Hadalka Indha Cadde oo ahaa kii u horeeyay oo si toos ah ugu
waajaho Alshabaab iyo saraakiishooda tan iyo markii uu Dowladda si rasmi ugu soo
biiray, waxaana ilaa iyo hada jirin jawaab ka soo baxay Xarakada Alshabaab oo ku
aadan eedeynta Indha Caddea
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

