Uruka Midawga Afrika Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Shirka Ay Kuleeyiin Wadanka Liibiya Diirada Ay Ku Saarayaan Arimaa Somaliya
Hadalkan waxa sheegay gudoomiyaa ururka AU Mr.Jeen Ping oo warysi siiyay wakaalada wararka ee AFP, Waxaanu joogay magaalada sirta ee ay shiRka ku lahaayen madaxda afrika.
Waxa uu sheegay gudoomiyaa midawga afrika in shirkan maanta uga furmay madaxda Afrika wadanka liibiya inay aad ugu gorfayn doonaan arimaa dalka somaliya sida colaada, budhcad badeeda iyo arimaa argagixisada loo soo af-jari lahaa.
Wax sidaasi yidhi gudoomiyaa AU waxaanu intaasi ku daray in hogaamiyayaasha afrika ay hada ka walaac san yihiin arimaa dalka somaliya ee is bad-badalaaya.
Gudoomiyaa uruka AU waxa uu sheegay Ciidamada nabad ilaalinta u jooga magaalada muqdisho ee AMISON in ay ka mid yihiin hawlgalada nabad ilaalita ee uu wado ururka AU, waxaanu carabka ku dhuftay in ciidanada had ka jooga midawga afrika magaalada muqdisho ay yihiin 4300 Askari oo ka socda wadamada Ugaandha iyo Burundi oo hawlgalkaasi ka qayb qaatay waxaanu codsaday in ciidamo kale lagu soo kordhiy si hawlgalku u noqdo mid dhamaystiran.
Jeen Ping waxa uu sheegay inay Hoggaamiyayaasha Afrikaanka ahi inay go’aan ka gaadhii doonaan Tallabadda laga qaadi doono Xaalladda dalka Somalia, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in la soo dhamaystiro Ciiddamadda Nabad-ilaalinta afrikaanka ee hore loogu yaboohay, oo gaadhayay 8000 Askari.
Jaan Ping waxa uu sheegay in wadamada ilaa had baln qaadka rasmigaa laga hayo inay u diraan somaliya ciidamo si degdega, wadamadaasi oo ay ka mi yihiin wadamada:-Nayjeeriya,vSiiriya,vLiyoon iyo Malaawi.
Gabagabadii hadalkiisa Jeen Ping waxa uu eedayn dusha ka saaray kooxo uu ugu yeedhay inay yihiin dagaal yahano shisheeye oo uga sii daraaya xaalada dalka somaliya.
Reported by:-
Ma’ed max’ud haybe
M.Taajir
Taajir@waryatv.com
Waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

