Maqaalada cadaawadeed maaha inuu kula galgasho hadhwanaagnews isagoo isu muujinaya inuu ka tirsan yahay shabakad dadku aad u xiiseeyo

Diridhaba Muxuu Hadhwanaagnews godobta ugu samaynayaa
Garashadu haday ruux la tahay suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo hadii loola garan waayo
Gardaruu u qaataa ninkii yidhi garaadkiise
Gudgude Hadraawi.
Maqaalada cadaawadeed maaha inuu kula galgasho hadhwanaagnews isagoo isu muujinaya inuu ka tirsan yahay shabakad dadku aad u xiiseeyo una akhriyaan badankoodu Maalinle.
Ninka laga hadlayaa waa Maxamed Cabdi xasan diridhabe oo shalay war beena ku sheegay isagoo aan goobjoog ka ahayn shirkii KULMIYE ee Birmingham Uk in siilaanyo Dhaar ku jeexay oo sheegay inuu yidhi walaahi bilaahi tolaahi waan ka tegayaa hadii la iga helo, bal dadba waa joogaye halkee sadexdaa is dabayaal siilaanyo ku maray ma sheegi kartaa codkeediise mana maqashiin karaa, mida kale waxaaba joogay weriye kale oo ka tirsan shabakada hadhwanaag muxuu ugu sharfi waayey oo hadii isagu shirka wax ka qoray muu xurmeeyo halkaana sheekada ku dhaafo hadaanay ahayn i arkaay i maqlaay. Si uu hadhoow hadii muran doorashada ahi yimaado uga dhigo sowkii dhaartay siilaanyo. Halkan ka sii akhri maqaalkaa uu qoray http://www.hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21853
· Ujeedadu ma inuu shabakadaas cadow badan u sameeyuu uga dan leeyahay
· Mise waxaa la galay ololaha UDUB ee uu wakiilka ugaga yahay Abtigii ruma Cismaan hindi oo ah Gudoomiyaha Ololaha .
· Mise wuxuu ku qancay xidhiidhka qoysnimo ee uu la leeyahay Cabdilaahi Ciro wasiirka arimaha Gudaha.
· Mise waa cadho ka kacday markii shabakada Somaliland.org shaqada ka eriday.
· Mise wuxuu ku qanci waayey shaqadii uu warsaxaafadeedka ku soo saaray ee uu ku sheegay in wixii hada ka danbeeya uu yahay weriye ka tirsan www.waaheen.com taas oo ah shabakad uu qor xoghayihii hore ee KULMIYE Dr Ahmed Xuseen ciise.
Bal hada ila eeg beenta iyo godobaha saxaafadeed ee uu galay Mohamed Cabdi xasan Diridhabe intuu ku dhexjiray mihnada saxaafada oo ah mid ay caadifadu ka durugsan tahay.
1. Wuxuu muujinayaa in uu isagu is casilay markii denbiyo saxaafadeed oo uu galay shaqada looga joojiyey halkan sii raac. http://harowo.com/2006/10/17/mohamed-abdi-hassan-diridhaba-oo-iska-casilay-shabakada-somalilandorg/
2. Waa sheeko uu godob ugu samaynayo shabakada hadhwanaag news halkan sii raac http://somalilandinfo.com/node/4170
3. Aflagaadada iyo wararka beenta ah ee uu ka qoray xisbiga KULMIYE waxaa ka mid ahaa http://somalilandinfo.com/node/2435 ama qoraalkan kale ee uu sidan u dhigay http://somalilandhorta.com/news/2008/April/news08040203.htm intaasuun kuma joogsane hadana sii eeg
4. Wuxuu colaad shaqsi ah u qaaday madaxweynaha Djibouti isagoo isle kaga aargooso mudo hore oo jabouti inta la qabtay dib looga soo celiyey xusuuso maqaalada uu ka qoray http://www.saaxil.net/warar2b/somaliland/aa/b/5may%20%2030.htm intaasuun maahee bal kana sii dheeho http://www.somaliland.org/2008/06/22/halkey-ku-sal-leyihin-maqaladda-diridhaba-ee-u-ka-qoro-madaxweynaha-jabuti/
5. qarannews oo ah shabakada ugu beenta badan xisbiga UDUB aad u taageerta ayaa mar ay ka yaabtay diridhabe waxay qortay maqaalkan http://www.qarannews.com/show/8228.html
6. Waxaan ka xishoonayaa inaan soo qaato maqaaladii uu ku aflagaadeeyey xaaska Riyaale kaahin hadana isagu afkiisa ku beeneyey
Hadaba diridhabe halkee baan ugu soo hagaagaa shalay iyo manta, waaheen iyo hadhwanaag kee buu u shaqeeyee ileen dadku yaabyaye.
Waxaan ku waaninayaa inuu ilaaliyo milgaha saxaafada oo iska ilaaliyo wararka aan jirin ee uu sameeyo isaga laftiisu
Hadii loo baahdo waxaan soo gudbin doonaa taariikh iyo maqaalo faahfaahsan oo ka hadlaya Facilada ka baxsan milgaha saxaafada ee uu ku kacay diridhabe.
Siciid Faarax amare
Hargeysa
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

