Waa Sidee Xaalada Dhabta Ah Ee Ururka Ardayda Somaliland Ee Suudaan
Khartoum/Sudan (Waraytv.com), Ururka Ardayda reer somaliland ee wax kabarata dalka suudaan oo hada uu gudoomiye u yahay Mr. Caydaruus Moh’ed Axmed (Caydaruus Xaanbaali) ayaa had iyo jeer kaalin balaadhaan ka qaata jiri taanka qaranimada Somaliland marka loo eego habka ay hada iyo jeer uga qayb qaataan munaasibadaha bal balaadhan ee loogu dabaal dago guud ahaan Somaliland gaar ahaan 18 May iyo 26 June.
Urukan oo ah urur ay is-kood u soo abaabuleen dhalinyarada reer Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha dalka suudaan ayaan helin kaalmo dhaqaale oo ay ku qaabilaan xuska munaasibadaha iyo kaabida dhaqaale ee urur ahaan.
Tan iyo markii ay ardayda reer suudaan ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliland isku dayeen in ay samaysaan urur ay ku mataal magac Somaliland ayaa waxaan jirin dhiiri gelin ay ka helaan dhanka xukumada Somaliland iyo guud ahaan dalka marka laga reebo dadka shicibka ah, siiba dadka ay sida gaarka ah isugu xidhan yihin ururka.
Wax qabadka ururka kuma koobna oo kaliya xuska maalmaha
Dalka suudaan waxaa ka jira ururo kala duwan oo ay leeyihiin ardayda somalida ah ee ka kala timaadaa Somaliland iyo Somalia, ururada kale ee ka jira jaamacadaha suudaan hada iyo jeer dhaqaale ku filan waxay ka helaan dalalka ay ka kala yimaadeen iyo dalka suudaan dibadiisa, balse ardayda Somaliland ilaa hada ma jiraan cid si gaara ula shaqaysa oo ka waacisa kaabida dhaqaalaha.
Geesta kale dhaqaale la’aanta hada ka jirta ururka Ardayda reer Somaliland ee ku sugan dalka sudaan waxaa intaas u dheer sida ay ii sheegan xubno xogogaal ahi in ay dhexdooda ka bixiyaan dhaqaalaha lagu soo abaabulo xuska 18 May oo ah maalintii ay Somaliland madaxa banaanideeda kala soo noqotay koonfurta Somalia iyo xuska 26 June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 1960 26 june.
Ururka maalmaha xuska waxaa dhanka dhaqaala si aan joogto ahayn uga caawiya Company-ga weyn ee Dahabshiil iyo odayaal reer
Ururkan ayaan ilaa wakhtigii la aas-aasay lahayn meel u gaara, sida xaafiisa hada iyo jeer ay iskooda u maamushaan.
Sidoo kale xubnaha aanu la xidhiidhnay waxay noo xaqiijiyeen in wali
Warbixin danbe ayeynu ku eegi doonaa xaalada intaas ka sii baxsan ee ay ku jiraan ururka ardayda Somaliland ee suudaa, anaga oo waraysi la yeelan doonaa gudoomiyaha ururka ardayda Somaliland ee
Xafiiska Wararka ee Waryatv
Burao/Somaliland
Reported by:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
ibrahimqasim@waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

