Madaxda dowladaha carbeed oo ka digay faragelin militari oo lagu qaado dalka Somalia

Source: waryatv
2009-06-30

Masar (waryatv.com), Siyaasiyiin u dhashay dalka Masar iyo khuburo kale oo Carbeed ayaa waxay ka digeen khatarta ka imiaan karta faragelin militari oo lagu sameeyo dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay madaxda dawladda FKMG ee Somalia ay waddamada deriska iyo kuwa caalamka ka dalbadeen inay faragelin dhinaca militari ah ku sameeyaan dalka.

Wargeys ka soo baxa magaalada Qahira ee xarunta Masar oo soo xiganayay siyaasiyiintaasi iyo khurubada dalalka Carabta ayaa sheegay in ay waydiisteen dawladda Masar iyo Jaamacadda Carabta inay qaataan go’aan wax ku ool ah oo lagu xallinayo mushkiladda dalka Soomaaliya iyadoo loo sii marayo dhinaca wada xaajoodka iyo dib u heshiisiinta si loo joojiyo faragalin militari.

ku xigeenka Madaxa Daraasaadka dalka Masar gen.Max’ed Zindani ayaa waxa uu sheegay in dawladda federalka Soomaaliya aanay si toos ah u waydiisan Jaamacadda Carabta taasi oo muujineysa in Jaamacadda Carabta aanay u fududeyn inay faragelin ku sameyso dalka Somalia.

Dhinaca kale Madaxa xarun kale oo qaabilsan Daraasaadka Africa porf.Raafic Sayid Axmed ayaa sheegay in dalabka DFKMG ee ciidamo shisheeye ay muujineyso in dalalka Carabta ay gabeen kaalintoodii kaga aadanayd dalka Somalia, wuxuuna intaasi ku daray porf in mushkiladda Soomaaliya mar keedi hore ay ka dhalatay xanibaadda iyo horumar la’aanta ka jirta dalka taasoo dhalinyaro fara badan ku qasabtay inay qoryo qaataan oo ay u kala saftan Dowlad iyo Mucarad


Xafiiska Wararka ee Waryatv
Burao/somaliland
Reported by:-
Moh'ed Moh'ud Haybe (Taajir)
taajir@waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com