13 Qof Ayaa Ku Dhintay 50 Kalena Dhaawac Ayaa Ka Soo Gaadhay Tareen Ku Dhacay Dalka Talyaaniga

2009-06-30

Roma (Waryatv.com), Tareen siday shidaal ayaa xalay saqdii dhex ku gadoomay wado ay maraan tareenadu oo ku taal magaalada dalka Talyaaniga, tareenka ayaa waxaa ka kacay dab aad u xoogan waxaana halkaasi ku dhintay mar qudha 13 qof halka dhaawacuna uu hada maraayo 50 qof, ilaa hadana waxaa la laayahay ku dhawaad 35 qof oo kale.

 

Train-kan ayaa waxa uu ku dhacay meel wax yar u jirta tuulada Viaeggio halkaasi oo xiligaasi ay maraayeen in ka badan 14 gaadhi oo is kaga goosha tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka talyaniga, baabuurtaas oo u badnayd taxi halkaasina ay intoodii badnay soo gaadhay bur bur iyo dhaawac aad u daran.

 

Markiiba waxaa cirka isku shareeray qarax ka dhashay haamo shidaal iyo gaas saarnaa tareenka, waxaana dhulka soo galay dhismayaal waaweyn oo ka ag dhawaa wadada tareenku uu maraayey.

 

“Mar kaliya ayaanu aragnay qiiq iyo olol isku shareeray cirka, waxaanay ahayd xalay saqdii dhexe”, sidaas waxaa yidhi mid kamid dadka uu agtooda ka dhacay shilku.

 

Tirada dhimashada waxaa xaqiijiyey kooxaha dab dabmiska af-hayeen u hadalay oo sheegay in ay gaadhayaan ilaa 13 qof, sidoo kale cisbtiaalada ayaa ilaa hada aad uga dayrinayaa dhawr qof oo laga shaki qabo xaaladooda caafimaad.

 

Ilaa 1000 qof ayaa ilaa xalay saqdii dhexe ka qaxaayey guryahooda iyaga oo ka shaki qaba in mar kale qarax ka dhasho haama shiidaalka ee saarnaa tareenka intooda ilaa hada hadhsan.

 

Masiibadan ayaa lagu macneeyey in ay ka dhalatay tareenka hoostiisa ka dib markii uu tareenku lugaha kala baxay luuqa yar ee ay ku socdaan kadibna uu istaagay gabi ahaanba biriiga tareenku, waxaana suuro gal noqotay in tareenku gabi ahaanba uu ka baxo goobta ay tareenadu ku socdaan, sidaas waxaa sheegay mid ka mida injineerada tareenka xiligaas la socday.

 

Madax dab damiska ee goobta ku sugan Antonio ayaa sheegay in ilaa hada ay gacanta ku hayaan sidii ay u bakhtiin lahaayeen dabka ilaa hada si holcaaya.

 

 

Xafiiska Wararka ee Waryatv

Burao/Somaliland

Reported by:-

Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com