Qarax Gaystay Dhimashada 2 qof iyo Dhaawaca 4 qof oo kale
2009-06-30
Muqdisho (Waryatv.com), Qarax kaystay dhimasha iyo dhaawac oo ka
dhacay magaalada muqdisho gaar ahaan iskuulka 21 October, qaraxaasi waxaa ku
dhintay 2 qof halka ay ku dhaawac maneen 4 qof o
kale.Qarax ayaa waxaa lagu fuliyey sida ay sheegayaan wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho miinooyinka hada iyo jeer laga hago meelaha fog fog isla markaana lagu aaso dhulka hoostiisa.
Dadka dhaawaca iyo dhimashadu ay soo gaadhay ayaa isugu jira ciidamada dawlada ku meel gaadhka ah iyo dad ra’id ah in kastoo aan la sheegin tirade askarta qaraxaasi ku dhaawac may amase ku geeriyooday.
Ujeedada qarax ayey dadkii goob jooga ahaa ku macneeyeen mid looga dan lahaa gaadhi ay leedahay dawlada ku meel gaadha Somalia oo ku sugnaa agagaarka iskuulka 21 October.
Maaha markii ugu horaysay ee uu qarax ka dhaco nawaaxiga iskuulka 21 October, waxaana hore uga dhacay qarax lala beeg saday askar dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia ka tirsan iyo dad shacab ah oo goobta xiligaasi ka ag dhawaa
Xafiiska Wararka ee Waryatv
Burao/Somaliland
Reported by:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
ibrahimqasim@waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

