Xukuumadda Uganda Oo Soo Dhoweesay Kaalmadii Milatari Mareekanku Siyay Somaliya

2009-06-30
Kampala (Waryatv.com) Madaxwaynaha Dalka uganada mr Yoweri museveno ayaa maanta oo isniin ah soo dhoweeyay taageeradii milatary ee xukuumadda mareekanka u fidisay Dowladda Faderaalka ee somaliya isagoona dhinaca kalle baaqay Wadamada kalle inay Caabiyaan Dowladda somali si ay uhanato xasiloonida Dalka ay daashadeen Colaadaha
 
Mr Museveni ayaa u sheegay saxaafadda isagoo kula hadlayay Magaalada Kambala ee Xarunta Dalkaasi in Saraakiil ka Tirsan Xukuumadda Mareekanka uu kala Hadlay Arimaha Dalka Somaaliya iyo Sidii Taageero ay ugu Fidin lahaayeen Dowladda Somaliya ee lagu soo Dhisay Heshiiskii ay Goob jooga ka ahayd QM ee ka Dhacay Dalka Djbouti
"Qof Walba oo ka Tirsan Qm Waxaa uu u Madaxbanaanyahay inuu Taageero Dadaalada Nabad raadinta iyo Caawinta Dowladda KMG ee Soomaliya "ayuu yiri Madaxwaynaha Dalka Uganada Yuweri Museveni
 
Dowladda Mareekanka ayaa Todobaadkii la soo Dhaafay Xaqiijisay Inay Saanado Milatari ah ay siisay Dowladda Faderaalka ee Somaliya si'ay ugula Dagaalanto Dhinacyado hubaysan ee ka soo Horjeeda islamarkaana Dagaallo kula Jira
 
Mr Musevveni ayaa Meesha ka saaray In saanadii Milatari ee Mareekanka uu Siiyay Dowladda Somaliya ay Kordhin karaan rabshadaha ka Jira Dalka Somaliya ka dib Markii Dowlado ay ka Mid Tahay Xukuumadda Eriteriya ay ku eedeyen Dowladda Mareekanka inay Xaabo ku sii Shubayso Dabka ka Holcaya Wadanka Somaliya
 
Dhinaca kalle Madaxwaynaha Dalka Uganada ayaa ugu Baaqay Dhinacyada hubaysan ee ka Soo Horjeeda Dowladda Somaliya inay ogolaadaan Wadahadal iyo Nabad si ay Dowladda uga Dalbadaan Doorasho Guud oo hor leh oo ka Dhaca dalka somaliya Waa hadii ay Dhex maraan isfaham Buuxa
 
 
Madaxwaynaha mar uu ka Hadlayay Dagaalada hadda ka socda Qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Dalka somaliya ayaa Waxaa uu YIdhi "Dagaaladan hadda socdda ee looga soo Hojeeda Dowladda ay Taageerayaan QM Midowga Afrika Dhab ahaantii Waa kuwa aan sax ahayn ; Waxaana u malaynayaa inay Tahay Fikradda ka danbaysa Dagaaladan kuwaan sax ahayn islamarkaana ah Qalad "
 
Si kastay ahaataba Xukuumadda Uganda oo Xubi ka ah Wadamada ku Jira Urur Goboleedka Igad iyo Midowga Afrika Waxaa ay Tahay Wadanka Lawaad ee Ciidamadooda u Soo Diray Dalka Somaliya islamarkaana ku Howlgalla Magaca Amisom Waxaana Ciidamadaasina ay qayb ka Noqdaan Weerarada ay Gaysadaan Xooggaga ka soo Horjeeda Dowladda
 
Dowladda Uganada Waxa ay ka Mid tahay Wadamada Sida Wayn u Taageero dowladda uu Madxda ka Yahay Shriif Sh. Axmed Waxana marar sii Horaysay dowladda ay Ka Caabisay Tababaridda Ciidamadeeda Dowladda
 
 
Reported by:  
Maxamuud Cabdi Ibraahim
maxamuud334@hotmail.com
Waryatv:- Boosaaso/Somalia

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com