Wiil yar oo nool ayaa laga dhex helay Burburkii diyaaradii Yemen Air Bus 310
Boosaaso (Waryatv.com), Cunug yar oo Shan sano jir ah ayaa Lagu soo waramayaa in laga helay Isagoo Nool ka dib markii uu ka Badbaaday Burburkii Diyaaradda Yemen air bus 310 oo ay Lahayd shirkadda Yemeniya Airline ee Xarun teedu Tahay Dalka Yemen
Diyaaradas oo Waliba ku Burburtay Meel U Dhow jaziiradda Comoros ee Ku taalla Qaarada Afrika Xilli ay Saarnaayeen 150 Rakaab ah oo Badankooda la Sheegay inay ka Soo Jeedaan Qaaradda Yurub
Wararka ayaa Sheegaya inay diyaaradu ku Siijeeday Xiliga ay Burburaysay Inay Cago Dhigato garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Marooni ee Xarunta Dalka Comoros ku dhawaad 0230 GMT Rakaabka Badankooda ayaa Warar kalle Duwan ay ka soo Baxayaan halka ay ka Yimaadeen Waxaana lookala Maleenayaa inay ka Yimaadeen Magaalaooyinka Mersile iyo Paris
Waxaana Flightka Diyaaradda lagu sheegay inay Sidoo kalle Cagaha Horay ay u Soo Dhigatay Jaziiradda Njazidja iyo Airportka Magaalada Jabuuti
Waxaana Tira ahaan Saarnaa Diyaaradda Inka Badan 150 Rakaab oo ay Ku Jireen 11 Shaqaallo iyo Sadex Canug
Saraakiil kalle Duwan ayaa ku Waramaya in Rakaabka Diyaaradda ay ka Mid ahaayeen 66 Muwaadiniin oo Ka soo Jeeda Wadanka Faransiiska Waxaana la Rumaysanyhaay Inay ku Jireen Dad ka soo Jeeday Wadanka Comoros oo ay Diyaaradu Ku Dhacaday.
Waxaana iminka Socota Baaritaano Dheeraad ah oo la Xidhiidha Burburka Diyaaradda Waxa Keenay Wadamada ay ka soo kala Jeedaan Rakaabkii Diyaaradda
Reported by:-
Maxamuud Cabdi Ibraahim
maxamuud334@hotmail.com
Waryatv:- Boosaaso/Somalia
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

