Shariif Oo Booqday Liibiya

Source: SM
2009-06-30
Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, halkaasoo diyaarad qaas ah ka qaaday isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne Shariif ayaa ku sii jeeda dalka Libiya oo uu uga qeyb galayo Kulanka Madaxweynayaasha Afrika oo 1-da bisha July ee soo socota uga furmi doona Magaalada Sirte ee dalkaasi Libiya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Wasiiro iyo xildhibaano kala qeyb geli doona kulankaas, iyadoo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Oomaar uga sii horeeyo Sirte.

Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa in qudbad ku aadan xaalada soomaaliya uu ka hor aqriyo kulan madaxeedka Midowga Afrika, waxaana qudbadaas uu diirada ku saari doonaa dagaalada ay ku hayaan mucaaradka iyo sida Dowladdiisa u dooneyso in la taageero.

Ururka Midowga Afrika ayaa ka fiirsanaya suurta gelnimada fara gelin milateri oo lagu sameeyo Soomaaliya, xilli Dowladda ay sii liiceyso isla markaana inta badan dalka ay kala wareegeen xoogaga Mucaaradka.

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com