Brazil oo Dirqi iyo Tuxun ku Qaaday Koobka Confederations Cup-ka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2009-06-30

Waryatv.com --Inta aynan u guda galin ciyaarta kama danbasta ah waxa kaalinta sadexaad ku guulaystay qaranka dalka Spain ka dib markii uu ka guulaystay qaranka dalka K/afrika

 

Hadaba ciyaarta dhex martay dalalka K/ afrika iyo Spain waxay ahayd ciyaar aad iyo aad uqaaliaya taasi oouu qaranka martida loo ahaa ee K/afrika ciraaray ciyartiisii ugu qaalisanayd ee uu u soo bandhigo taageerayaashiisa .

 

Ciyaartu markii ay maraysay daqiiqadii 74aad ayaa laacibka lanbarka sagaalka sita ee K/afrika  Katelego mpell uu dhaliyay goolkii kowaad  iyada oo layslahaa malaha waxa badinaysa K/afrika ayaa waxa markii ay ciyaartu maraysay daqiiqadii 88aad ayaa laacibka reer Spain ee David Guushsa dhalayay.

 

hadana wax layaab badnayd markii uu u raaciyay goolkii labaad daqiiqadii 89aad taasi  oo niyad jabisay taageerashii K/afrika  ciyaartii sidaasi kumay joogsane 3dii daqiiqo ee loogu daray ciyaarta waqtigii lumay yaa waxa  K/afrika u dhaliayay goolkii barbardhaca laaciibkii goolka hore dhaliyay ee Katelego Mpell , ciyaartii wax qasb noqotay in lagu daro waqti dheeraada oo ha 30minute si labada kooxood u  kala baxaan waxaana badiayay  Spain ka dib markii laacibka Liverpool u ciyaara ee Xabi Alonso uu u dhaliyay goolka guusha ciyaartiina halkaas ku soo afgooday oo Spain ku mutayusatay jaaisada  kaalinta 3aad eekoobka qaaradaha (confederation cup).

 

Hadaba hadynu guda galno ciyaarta koobka oo ay Brazil ku mutaysatay in markii 4aad ay kaga guulaysato koobka qaaradaha.(confederation cup).dalka USa.

 

Ciyaartu waxay ku bilaabantay jawi aad u xasaasi ah kaasi oolabada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u qaaliya hadaba ciyaartu markay socotay 10daqiiqo oo kaliya  ayaa dalka Usa dhaliyay goolkii u horeeyay oo uu usaxeexay laacibkooda khadka dhexe ee Clint Dempesey ciyaartu waxy socotaba waxay ka cadhaysiisay laacibada Brazil ee garoonka ku jiraya waxanay qaadeen weeraro isdaba jooga oo ku khalkhaliyeen difaaca dalka Usa balse umay suurta galin ianay wax goola ka dhaliyaan iyada oo ay ciyaartu marayso daqiiqadii 24aad ayaa laacibka dalka USA ee Donovon uu dhaliyay goolkii labaad iyada oo laysleeyahay dalaka Usa waa markii ugu horaysay eek u guulaysandoono  koobka qaaradaha yaa waxaa lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta 2iyo waxba.

 

Hadaba markii qaybtii labaad ee ciyaarta laysugu soo noqday ayaa Brazil weeradii  isdaba jooga haa ee ay qaadaysay ay dhalisay goolkii koowaad waxaana u dhaliyay laacibka kooxda Sevila ee Luis fabiono daqiiqadii 48aad eeqaybtii danbe ee ciyaarta  markii ay Brazil goolkaasi dhalisay ayaa waxay niyadu udhisantay laacibadooda waxaanay soo qaadeen weeraro layaaba taasi oo mararka qaarkood lagu tilmaami kararyay sida duufaanka oo kale waxay ciyaartu  marqudha isbedeshay markii daqiiqdii 75aad ay Brazil dhalisay goolka barbardhaca oouu u dhaliayay laaciibkii goolka hore dhaliayay ee Luis fabiono taasina waxay dhalisay in ciyaartoyga Usa niyad jabaan iyada oo kolayba la arkaayay in Usa laga badinayo weerarda ku socday awgeed ayaa waxa goolkii guusha ka dhaliyay laacibka Brazil uga ciyaara difaaca ahna kabtankooda Lucio daqiiqadii 85aad ooba ahayd dhamaadkii ciyaarta halkaasbaana Brazil ku hantiday markeedii afaraad koobka qaaradaha.

 

Abaalmarinihii La Mutaystay Intii Uu Socday Koobka Qaaraduhu.

 

Hadii aynu jaleecno abaalmarinaha iyo sida look ala qaatay waxa aad u layaab badan in dalka Brazil uu mutaystay afar biladood waxanay u kala qaateen sidatan:

 

Laacibka  Brazil uga ciyaara difaaca ahna kabtankooda waxa uu mutaystay bilada ah inuu ahaa difaacii ugu wanaagsanaa intuu socday koobkaasi (Best defender).

 

Laacibka kale ee Brazil uga ciyaara weerarka ee Luis fabiono yaa isagu wuxuu qaatay labo biladood oo kala ahaa ninkii ugu gool dhalinta badnaa iyo  ninkii goolka ugu quraxda badan dhaliyay (Golden shoe).

 

Waxa kale oo  ay Brazil qaadatay laaciibkii ugu wanaagsanaa intii uu socday koobka qaaruduhu (confederation cup) kaasi oo uu guulaystay laaciibka ay hada iib satay Real Madrid ee Ricardo kak(Golden ball)laaciibkaasi oou macalinkiisuna u soo jeediayay amaan weyn.

 

 Dhanka Usa waxa abaalmarin qaatay goolhayahooda Tim howard oo isagu noqday goolhayaha ugu wanaagasan wuxuuna qaatay abaalmarinta ah (Golden glove).

 

Waxa kale oo iasguna abaal marin qaatay laacibka Usa ee layidhaahdo Clint dempesey oo noqday dhexdii ugu wanaagsanaa waxaanu qaatay abaal marinta ah (silver).

 

Waxaa halkaasi ku soo dhamaday koobkii qaradaha oo runtii aan odhankarno waxa uu ahaa kii ugu agaasim wacnaa waayo waxa lasoo bandhigay bilado aan  badnkooda horey loo soo bandhigin

 

Hadab barnaamijyadayada danbe waxaad  kula socondoontaan dhacdo sport  ookasta oo dunida ka dhacda  .

 

 

Soodiyaariye maxamed cawed maxamed (Sergio)

E-mail cawad05@hotmail.com

Waryatv.com Boroa Somaliland

 

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com