Maxkamadda Magaalada Boosaaso Oo Maanta Xukumo Ku Riday Eedaysanayaal Burcad Badeenimo Ah
Boosaaso (Waryatv.com), Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ayaa Maanta Xukumo ku riday dad lagu eedeyay Danbi ah inay Ka Tirsanaayeen Burcad Badeeda ka jirta Xeebaha Dalka somaliya
Eedaysanayaashan oo Tiradoodu ay Gaaraysay 4 ayaa Lagu Xukumay Min Sadex sano oo Xarig ah, ka Dib markii Sida la sheegay lagu Soo Qabtay howlgal ay Ciidamada Booliiska Maamul Goboleedka Puntland bishani Gudaheeda ay ka Sameeyeen Magaalada Boosaaso.
Iyadoona Xiligaasi eedaysanayaashan Ay Wateen Dooni Nooca kaluumaysiga oo ay Saarnaayeen Hub fare Badan oo kooxahan Burcad Badeeda lagu Eedeyay ay ku Damacsanaayeen in Afduubyo ku Gaystaan
Goobta lagu Maxkamadeeyay eedaysanayaashan ayaa Waxaa ku Sugnaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Axmed Taaraan oo Sheegay in eedaysanayaashan ay Ka Tirsanaayeen Burcad Badeeda isagoo soo Bandhigay hub la Sheegay inay Ku Afduubanayeen Maraakiibta kala Duwan ee Caalamka
Dhagaysiga Dacwadda ka dib ayaa Qaadigii Maxkamadda Maxamed Cabdi Cawaare waxaa uu ku Dhowaaqay Xukunka eedaysanayaashan Magacyadooda Lagu Sheegay
Cabdi Abuukar, Qaasim Rooble,iyo Faarax Yusuf, Waxaana uu Sheegay markii uu Dhagaystay Dacawadii Xeerilaaliyaha Islamarkaana uu arkay Cadeemo muujinayo inay ka Tirsanyihiin Burcad Badeed uu go'aansaday in Lagu rido Xukunka Maxkamadda ee eedaysanayashan oo ah Min Sadex Sano oo Xarig ah
Eedanasayaashan Lagu Riday Danbiga Burcad Badeednimo ayaa Intoodaba Waxa ay Qirteen inay ka Mid ahaayeen Burcad Badeeda aynan Wali Afduubin Wax maraakiib ah Balse ay ahayd Markii ugu Horaysay ee ku Biiraan Waxaana ay Codsadeen in Maxkamadda Xukunkan ay Celiso hasse ahaatee Maxkamadda ayaa diiday Waxaana logu qaaday Gaari nooca shabaqlaha ah oo lagu qaado Maxaabiista si loogu geeyo Xabsigan ay Mudada sadexda sano ay u jartay Maxkamadda
Maaha Markii ugu Horaysay ee Maxkamadda Magaalada Boosaaso ay Xukumo ku Rido Eedaysanayaal Loo Haysto Danbi ah ku lug Lahasho Burcad Badeednimo Waxaana Horay u Jiratay Dad farabadan oo lala Xiriirinayay Burcad Badeednimo in Lagu riday Badankooda Xukumo 15 Sano oo Xarig ah.

Reported by:-
Moh’ud Abdi Ibrahim
Maxamuud344@hotmail.com
Waryatv:-Boosaaso/Somalia
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

