Xusid La'aanta ku dhacday maalintii ugu qiimaha badnayd shacabka reer somaliland, iyo Dhayalsiga xukumadda maalmaha taariikhiga ah

2009-06-28

waxaan salaamayaa dhamaan shacabkaSoomaliyeed iyo kuwa Somaliland meelkasta oo ay dunid ka joogaan waxnaan leeyahay sannadka sannadkiisa ku gadha guul,Horumar,Barwaqo,cafimaad iyo badhaadhe, intaas kadib waxaan halkan ku soo Gudbinayaa maqaal aan ka qoray waxa sababay in la xusi waayo maalmihi ugu qiimaha badna dadka,dalka iyo shacabka reer soomalilanba maalmahaas oo kala ahaa 18ka may iyo 26ka june oo aanay jirin maalmo uga qiimo iyo xusuus mudan dadka iyo dalka somaliland, hadaba maqaalkaygan ayaa waxaan ku cabirayaa dareenka ay dadku ka muujiyeen iyo dareenkaygaba xusid la'aantii ku dhacday 26ka june,

 

Dhammaan shacabka reer somaliland meel kastoo ay ka joogan Gobolada somaliland iyo debedaba waxay is weydiinayeen  maxaa loo weynayn waayay oo loo xusi waayay  xuska maalinta qiimaha ugu fadhida bulshoweynta somaliland ee 26ka june oo ah malintii ay gumeystihii ingiriisku xoriyada siiyay gobolada waaqooyi oo uu xiligaa gumeysan jirey,  hadaba maalintaasi oo ahayd 26-june-1960 waa maalintii dadkii u ololaynayay xoriyadu ay ka qaataan calanka gumeystihii ingiiriska. maalintaasi waxay  u ahayd ummadda maalin qiimo weyn ugu fadhiya waa maalin dadka somaalida ah ay aad ugu riyaaqeen.

Hadaba markii calankaasi ay ka qaateen Gobolada waqooyi calanka oo ay u soo mareen dhib iyo dagaal iyo juhdi adag iyo wadooyin badan oo qodxo leh ayay ugu danbayntii ku guulaysteen waxay ku hamiyayeen inta badan, Guusha maalinkaasi la guulaystay ayaa dadka soomaaliyeed oo dhan iyo dadka somaliland ba u ahayd wax weyn oo la qiimeeyo marnaba aan la hilmaamin xuskeeda.

hadaba waxaa is weydiin mudan maxaa loo joojiyay in shacabka Somaliland ay xusaan xuska 26ka june oo ay u dabaal degaan xoriyadii ay ka qaateen gumeystihii ingiriiska, waa xoriyadii ka luntay oo ay la midoobeen dad aan jecelayn Somali oo midoowda oo walalo noqoto dunidana la tartanta, waa malintii ay god madow ku dhacday gobonimadii maal maaha kooban aan haysanay,  maalinkaasi waa maalin murugo iyo farxad isku jirta leh oo mudan in la xuso.

 

hadaba waxaan  garan wayay halka taariikhadii 26ka june lagu tuuray ee dadka looga masaxay, miyanayn ahayn dad leh taariikh ay ku xasuustaan waayihii dhibka iyo farxada badanaa ee soo maray dalkan iyo dadkiisa.

waxaa wax lala yaabo oo laga xumaado oo ujedada looga jeedo lagaranwaayay ah waxa dawlada hadda jirta  ay u joojisay xuskii 26ka june ee shacabka Somaliland xusi jireen  maalintii farxadaasi lahayd ay muujin jireen , sidoo kale dadku dareemi jireen farxad iyo damaashaad,kuwa aan hore u ogayn iyo kuwa iminka dhashayba ay ogaan jireen oo xataa carrurta yar yar ee 5 jirka ahi xusi, taasoo muujin jirtey in ilmaha yar ee 5 jirka ah gasho qadiyadda somaliland iyo halkay ka soobilaabantay iyo dhibkii loo soo maray intaba, taaso ugu danbayn noqonaysa Guul ay gaadhan shacabka iyo Bulshada reer Somaliland.

waxan hadaba bulshada reer somaliland iyo masuuliyinta dalkaba ugu baaqayaa inaanay  ilaawin taariikhaha dalkani leeyahay iyo marxaladihii ay soo mareen.

waxaan kaloo ugu baaqayaa in aad taariikhaha ururisaan oo dawlada jirta waxaan leeyahay waata maalmo aan la garanayn xus loo samaynayee xaggee bay mareen maalmihii ugu qiimaha badna somaliland ee la xusi jirey ma 18ka may oo keliya ayaa ka soo hadhay oo haddii 26ka june sida lagu sii wado na loo qaadanayo in 18ka may na berri la joojin doono, oo dadka iyo dalkuba ay yeelan waayan taariikh ay xusaan oo iyaga qiimo ugu fadhida.

waxaan leeyahay dawladu ha  iska dhaafto  maalimaha aan qiimaha lahayn ee aan dadka wax uga kordhayaa jirin waxkale oo aan dhalinyarada Somaliland leeyahay taariikhaha wadankani leeyahay  barta oo ogaada waxyaabaha wadanka taariikhaha u ah,taariikhadu waa shayga  keliya ee dunid la isku dhaafay hadaad garanayn history ama taariikhda wadankaaga waxaad tahay qof aan jirin oo aan aqoon  u lahayn  dunidana ka danbeeya bulsho kasta waxay leedahay tariikho soo jireen ah oo jiilba jiil u kaydinayay una ururinayay, inkastoo bulshadeenu tahay bulsho oral written ama bulsho waxkasta afka iskaga sheegta uun tahay se aan qoraal ama waxyaabo kale kayd u yihiin oo jiilba jiil u gudbiyo aan lahayn ay tahay waxan idin leeyahay mar kale ururiya oo kaydiya taariikhaha waddankiina.

hadaba madaama oo hada dhalinyaro badan oo waxbartay ay qori karaan taariikhaha  hadii ay raadiyaan ama dadkii u soo joogay ay raadiyaan oo ay ururiyaan wax weyn ayay inoo taraysaa kuwa inaga danbeeyaana way u taraysaa oo way anfacaysaa. 

waxaan hadalkaygii ku soo gebgebaynayaa walaalayaal taariikhadu waa lama huraan ee ilaashada , waxana wax laga xumaado oo laga murugoodo ah Xus la'aanta ku dhacday maalintii qiimaha badnayd, waana wax laga ooyo runti marka aad sidaasoo kale u aragtid taariikh dhan oo dal laha kuna faani jirey oo la inkirato lana xusaynin.

Subxaana laah

Ilaahay xaqa ha ina garan siiyo tawbadana ha ina waafajiyo cisi iyo sharaf kuwii ku noolaadana ha inaga dhigo.

Reported by:

Ladna Rashiid C/laahi

Waryatv:-Hargiesa/Somaliland

ladnaindho@hotmail.com


© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com