Wiil 12 Jir ah oo Al-Shabaab la soo Saftay iyo Culimada Deg. Hurinwaa oo uu ugu baaqay in ay jihaadka Galaan
Hurinwaa (Waryatv.com), Xoogaga si aad ka uga soo horjeeda dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia ee Al-shabaab lana sheego in ay isku xidhan yihiin ururka argagisada ah ee ay xarafka ka wada kacaan ee Al-Qaacida ayaa bilihii ugu danbeeyey faro baas ku hayey dadka shacabka waliba dhalinyarada aad ka u da’ada yar.
Degmada Hurinwaa ee ka tirsan magaalada muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dhacdo aad u fool xun oo shacabka reer hurinwaa ku noqdaylama filaan iyo amakaag.
Kooxda Al-shabaab ayaa waxay si weyn dadka shacabka ah had iyo jeer ula dhaqmaan kuna amraan in ay qaataan mabaadidooda iyo shareecada ay wataan.
Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday masaajid ku yaala degmada Hurinwaa ee magaalada Muqdisho, taasi oo u cuntami weyday dhamaan ehelu diinkii xiligaasi ku sugnaa Hurinwaa.
Al-Shabaab oo gacanta haya wiil yar 12 sano jir ah ayaa soo galay masaajidka kadibna waxaa Microphone-ka laga qaaday khadiibkii xiligaas masaajidka ku sugnaa, waxana loo dhiibay Microphone-ka wiilkaas 12 jirka ah.
Ehlu diinka masaajidka ku sugnaa wakhti xaadirkaas wey ku qasban yihiin in ay dhagaystaan waxa uu ku hadlo wiil-kan yari, sababtood ah kooxdan Al-Shabaab qofk ka soo hor jeesta laba xaalo ugama dhaxayso
In qofkaasi uu gabi ahaanab iskaga tago deegaanka ay ku sugan yihiin iyo lagu rido xukun deg deg ah.
Wiilkii 12 jirka ahaa waxa uu ku bilaabay qudbadiisii in dhamaan musheekhda hada halka fadhida iyo dadka reer Hurinwaa ay ku biiraan Al-shabaab isla markaana ay iska soo diwaan geliyaan xeryahay dagaalka ee Al-Shabaab, isla markaana ay jihaadka ka qayb qaataan.
Odayaashii iyo dadkii wax garadka ahaa ee dhagaysanaayey qudbadka wiilka ayaa markii masaajidka laga dareeray dhabanka iyo gacanta is dul saaray isaga oo aan qofna qof la hadlayn.
Waana markii ugu horaysay ee degmada Hurinwaa lagu arko gabood falo noocan oo kale ah oo ay ku kacdo Al-shabaab.
Xafiiska Wararka ee Waryatv
Burao/Somaliland
Reported by:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
ibrahimqasim@waryatv.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

