Xog rasmi ah iyo Faah Faahin ku Saabsan Qaabkii Loo Dilay Barre Cali Barre

2010-03-09
Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaabka loo dilay Barre Cali Barre oo ah sarkaal ka tirsanaa Ururka Xizbul Islaam, isla markaana lagu dilay Agagaarka Sarif yaraha Suuqa Bakaaraha mudo yar ka hor.


Ilo goob joog u ahaa qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay Sarkaalkan ayaa Xogsheeg uga waramay, waxaana ay sheegeen in Barre ka hor intaanan la dilin aaney la socon wax ilaalo ah.

"Kaligiis ayuu ahaa Barre Cali, waxaana mar qura bastoolado ku soo weeraray rag hubeysan, waxa uuna isku dayay in uu iska difaaco, hase ahaate bastooladii uu sitay ayaa ka leeb dhacday, laakiin waxa uu riday dhowr xabadood, markii dambana waxa uu u geeriyooday xabado ay ku dhufteen ragii kale ee soo weeraray" ayuu yiri goob joogahan oo ka gaabsaday magaciisa in uu shaaciyo.

Waxa uu intaa ku daray in marka ay hubsadeen kooxaha soo weeraray Sarkaalka in uu dhintay ay isaga carareen,waxaa soo gaaray durbadiiba daqiiqado kadib ciidamada Xizbigii uu ka tirsanaa Sarkaalka ee Xizbul Islaam.

5-tii bishii Febraayo ayay Sidan oo kale soo weerareen kooxo hubeysan Barre intii uu noolaa, xilli habeen ah oo uu ku sii jeeday gurigiisa, iyadoo weerarkaasi uu ka bad baaday.
 
Dhacdadan lagu dilay Barre Cali Barre oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka Xizbul Islaam ayaa imaaneysa xilli ay jirtay hurguf colaadeed oo u dhexeysay Xarakada Al-shabaab iyo Ururka Xizbul Islaam, taas oo xitaa dhowr jeer oo hore sababtay in ay weerarro dagaal ay dhexmaraan labada dhinac.

Lama oga cidda ka dambeysa dilka Sarkaalkan, ilaa iyo hadana ma jirto cid sheegatay sidaa waxaa iyana Saxaafadda u sheegay Ururka Xizbul Islaam oo ka hadlay dilka loo geystay sarkaalkooda

WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com