Baligubadle:- Daadad Socday Mudo Seddex Cisho Ah

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-09
Baligubadle (Waryatv.com), Deegaano ka tirsan gobolka Hawd ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo fataheen daadad ka soo burqaday dhankaas iyo dalka Itoobiya, daadadkaas ayaa la sheegay inay marayaan meel doox ah, waxaanay socdeen tan iyo labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Darawalada baabuurta u baxda deegaanadaas ayaa noo sheegay in daadkani uu ka soo rogmaday dhanka itoobiya, mid ka mida darawaladaas ayaa ka waramaya.

“Daadadku wuxuu marayaa magaalo madaxda gobolka Hawad ee Baligubadle dhankeeda bari iyo galbeed, waxaanu si weyn u marayaa hada meesha loo yaqaano Uus Buur iyo Warta Maxaad Fanax, Baligubadle wuxuu ka marayaa dhanka xuduuda wixii ka sareeya”

Ilaa hada ma jiraan khasaaro uu gaystay daadkaasi, balse waxa uu saamayn weyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iskaga kala goosha Baligubadle iyo laanqayrta, kadib markii ay daadad iyo dhoobo xidheen  jidka ay maraan baabuurtu.

 

 

Xafiiska Warara Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim

ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

 

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com