Sarkaal Ka Tirsan Xisbul Islaam Oo Muqdisho Lagu Dilay.

2010-03-09

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Suuqa Bakaaraha Kooxo Hubaysani ku Toogteen Sarkaal lagu Magacaabo Bare Cali Bare oo ka tirsan Urur-ka Xisbul Islaam.

Goob joogayaal ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa WaryaTv u sheegay in Kooxo Bastoolado ku hubaysani ay Weerar ku soo qaadeen Sarkaal oo xilligaan Wax ilaalo ahi aysan la soconin.

''Sarkaal Kooxo ayaa Bastoolado Ku Soo Weerara Waxaana uu damcey innuu iska difaaco balse uma aysan suurta galin oo markey geeri ku hubsadeen ayay Kooxihii ka dul dhaqaaqeen.

Bare Cali Bare ayaa horay uga bad baaday isku day dil oo Kooxo hubaysani ay ku soo qaadeen dhowr jeer oo uu Guriiga ku wajahnaa.

Dhinaca kale Urur Xisbul Islaam ayaa ka hadlay Dilka Marxuumka iyagoona sheegay inaysan ogayn Cida ka dambeysa dilka loo gaystay.

Gudoomiye Ku Xigeenka Urur-ka Xisbul Islaam ee Gobalka Banaadir Ibraahim Barre Maxame oo Shir Jaraa'id ku qabtay Suuqa Bakaaraha oo ka hadlay Dilka Bare Cali Bare ayaa sheegay inaysan ogeyn cida ka dambeysa Dilkiisa oo isaga iyo Mas'uul kale goobta ka soo qaadeen Meydkooda balse ay baaritaan samayn doonaan.


Si kastaba ha ahaatee Barre Cali Barre oo ah sargaalka la dilay ayaa horay u sheegay inuu ka badbaaday dil lala damacsanaa kadib markii guri uu ku sugnaa ay kooxo hubaysan ku weerareen bam gacmeed.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com