Lamaane Aad Ugu Waalan Isticmaalka Internet-ka Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Ay Dhimatay Gabadh Yar Oo Ay Guriga Ku Sii Xidheen
Kuuriyada Koonfureed (Waryatv.com), Lamaane
six ad dhaaf ah u isticmaalka computer-ka gaar ahaan Internet-ka ayaa shaley
Booliiska wadanka Kuuriyada Koonfureed xabsiga u taxaabeen ka dib markii silic
iyo darxumo ay u dhimatey gabar oo ay dhaleen.
Lamaanahan ayaa mudo 12 saacadood waxay ku jireen Internet Café iyagoo
gabadhooda oo 3 bilood jirta uga soo tagey sariir ay ku jiiftey isla markaana
gurigii kor uga soo xidhay si ay u soo isticmaalaan Internet-ka.
Dhacdadan oo ka dhacdey magaalada Suwon ee dalka Kuuriya Koonfureed waxaa la
soo sheegay in hada waalidkaasi loo hayso dayac iyo dar xumo ay gaajo ugu
dileen gabadhooda, iyagoo ciyaarayey game-ka computare-da wakhti badan ku bixiyey.
Gabadha yar ee hooyadeed iyo aabaheed dayaceen waxaa la sheegay in ay u
dhimatey gaajo, iyo sariirta oo ay ku cadibantay ka dib markii ay qoorta la
gashey meel aysan ka bixi karin, waxaana ay ku sugneyd xaaladaasi adag mudo 12
saacadood.
Lamaanaha dayaca ku dilay gabadhooda ayaa la sheegay in habeenkii oo dhan ay ku
ciyaarayeen computer isla markaana 12 saac ka dib markii ay guriga ku soo
laabteen ay la kulmeen gabadhii oo sariirta dul saaran oo meyd ah, waxaana ka
dib ay u waceen Booliiska iyagoo u sheegay sida ay wax u dhaceen taasi oo
keentey in xabsiga loo taxaabo.
Ninkan iyo haweenaydan oo lagu magacaabo Kim Yoo-chul oo 41 sano jir ah iyo
Choi Mi-Sun oo 25 sano jir ah ayaa haatan lagu hayaa baaritaan iyadoo lagu wado
in maxkamad la soo taago sida uu sheegay baadhe ka tirsan ciidamada Booliiska
oo lagu magacaabo Chung Jin-Won.
Kim iyo Sun ayaa horey loo ogaa waalida ay ku qabaan Internet-ka iyo Game-ka computer-ada,
waxaase gabadhan yar ay dhaleen hada ka hor ka waday Kim qoyskiisa ka dib
markii la ogaaday sida ay hadh iyo habeen u dul taagan yihiin Internet-ka,
balse todobaadkii hore ayaa gabadhooda loo soo celiyey ka dib markii ay balanqaadeen
inay ka soo baxayaan masuuliyadooda ay hada ku guuldareysteen.
Game-ka computer-ada gaar ahaan kan khamaarka iyo shaqada ayaa dalkaasi Kuuriya
wuxuu ka yahay arin ay dadku aad ugu badan yahay, dad badan oo nolol hoose ku
noolaa ayaa lacago ka sameeyey taasi oo keentey in boqolaal qof ay ku cunto iyo
hurdo seegaan isticmaalka Internet-ka iyo Game-ka.
Nin isla dalkaasi Kuuriyada Koonfureed u dhashey oo 28 sano jir ah ayaa ku dul
dhintey computer uu game ku ciyaarayey ka dib markii mudo 50 saacadood ah aanu
wax biyo iyo cunto ah afkiisa saarin.
Ninkan iyo haweenaydan gabadhooda dayaca Internet-ka awgiis ay u dhimatey waxay
sanadkii 2008-dii isku barteen wada sheekaysiga Intetnet-ka (Chatting) sida ay
qortey wakaalada wararka u faafisa dalka Koonfurta Kuuriya.
Reported By:- Saleebaan Sahal Jamac
salosahal@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

