Lamaanayaashi Burcadu Haysteen Oo Muddo Ka Dib Kulmay.
Paul and Rachel Chandler oo ah Lamaanayaasha Britisha ha ah ee Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ahi ku haysteen Dalka Soomaaliya Soomaaliya ayaa muddo ka dib kulmay markii Kooxaha haystaan Cadaadis kulmintoodaa uu oga yimaaday Caalamka.
Dr. Mohamed Elmi Hangul oo ah Takhtarkii ku buuqday Lamaanayaasha kana soo warbixiyay Xaaladdooda Caafimaad ayaa Wakaaladda Wararka Associated Press u sheegay in Axaddii Burcaddu soo weceen ina Sheegeen inay kulmiyeen Lamaanayaasha oo Asbuucyo kala maqnaa.
Kooxaha Burcad Badeeda ah ayaa Lamaanayaashaan da'aada ah ku doonaya Lacag iyadoona Qoyska ay ka soo jeedaan haysan wax lacag ah Dowladda Ingriiskuna ay diidantahay inay Madaxfurasho siiso Afduubayaasha.
Chandler ayaa horay u sheegtay inay doonayso inay la kulanto Seygeeda si ay ula qaadato waqtiga uga harsan Aduunyadda oo ay sheegtay inay xilligaan da'aad marayaan.
Isku soo wada duuboo isku keenidda Kooxaha Burcad Badeeda ee Lamaanayaashaan Brishka ah ayaa ku soo aadaya xilli DKMG ay Shaaca ka qaaday inay ku jiraan Dadaal ay ku sii daynayaan Lamaanayaashaan.
WaryaTv NairobiKenya
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

