Nuxurka Kulan Dhex Maray Qaar Ka Mida Hayadaha Caalamiga iyo Raxan Wasiiro Oo Ka Tirsan Xukumada Rayaale

Source: Reported By Abdiqani Abdilahi Ahmed (Asporo)
2010-03-07

Hargeysa (Waryatv.com), Raxan Wasiiro ah oo ka tirsan Xukumada Somaliland ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay qaar ka mid ah hayadaha caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland.

Kulankan ayaa ku qabsoomay xarunta ka hortaga Aafooyinka Dabeeciga ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo NERAD, waxaana lagaga hadlaayey sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ku waxyeeloobay Roobabkii gu’ga ee ka curtay Somaliland gaaar ahaana magaalada Gobolka Maroodi Jeex.

Wasiirada kulanka la qaatay Hayadaha oo tiro ahaan gaadhayey shan Wasiir ayaa waxaa hogaaminaayey Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Md Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare).

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed, oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in xukuumaddu si deg deg ah gurmad raashin ah u gaadhsiin doonto deegaanadii ay tobaadkii hore kormeerka ku soo mareen ee kala ahaa degmada Magaalo Cad, Allaybaday iyo Wajaale.

Wasiirku wuxuu tilmaamay inay Hay'adaha ugu yeedheen si ay ugu gubiyaan macluumaadka khasaaraha ka dhashay Roobkii, waxaanu Wasiirku sheegay inay jiraan dad ay la soo gudboonaatay hoy la’aan, kadib markii Roobabka gu’gu ay si weyn u wax-yeeleeyeen.

Wasiirada kulankaasi maanta ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirka  Qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah Md Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), Wasiirka Dib u dejinta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Arriaha Guddaha, sidoo kale waxaa kulankaasi ku wehelinaayey Guddoomiyaha ka hor taga aafooyinka dabeeciga ah Maxamed Muuse Cawaale.

Todobaadkii hore ayaa raxan wasiiro ahi ay gaadheen deegaanada Balicabane iyo Tog Wajaale, kuwaas oo ay ku dhufteen Roobab aad u baaxad weyn, isla markaana waxay kooxdan wasiirada ahi ay soo qiimeeyeen baxaada uu leeyahay khasaaraha soo gaadhay deegaanadaas, hase yeeshee wasiiradani waxay ahaayeen kuwo ka fara madhan wax gar gaar ah oo ay u fidiyaan dadka ku nool goobaha ay soo mareen.

Si kastaba ha ahaatee xayntan Wasiirada ahi waxay farta ku godeen in sida ugu dhakhsaha badan leh gar gaar deg deg ah loo gaadhsiiyey dadka ay afeeyeen Roobabka Gu’gu.



 

Xafiiska Wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported  by:- Abdiqani Abdilaahi Asporo

Asporo@waryatv.com

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com