Naadiga Akhristayaash Halkaraan Iyo Daahfurkii Labaad Ee Buugga Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Somalida
Waxaa xafladaasi
ka soo qayb galay da’yarta gobalka Togdheer oo iyagu haatan ku baraarugsan
xaflada bilaha ah ee uu qabto Naadiga akhriska ee Halkaraan iyo sidoo kale
martisharaf tiro badan oo uu ka mid ahaa Hure Ibraahin Warsame ( Hure
walanwal), madax sare oo ka tirsan shirkada dahabshiil, iyo xubno dawlada ka
socda.
Qoraaga
buugan Garta Dhaqanka ayaa habeenkii xalay si wayn isugu dayay
isla markaana isaga xilsaaray sida uu bulshadii halkaasi isugu timi uga
dhaadhicin lahaa Garta Dhaqanka iyo xeererka somaalida oo buugan si wayn ugu
xardhanaa, waxanu halkaasi ku soo bandhigay noocyada Garta Dhaqanka oo kala
duwanaa oo ay ka mid ahayd Garta Guurtida, Gar booli, Gar jileed, Gar kala
dareeris, Gar muslax, Gar dadban, Gar xeer beegti,
Xafladan
habeenkii xaly ahaa laysku arkay waxa shahaado sharaf iyo hadyado halkaasi lagu
gudoonsiiyay qoraaga buugan karta dhaqanka C/salaam Caaradhuub isla markaasna
qoraagu waxa uu gudoon siiyay Naadiga isla buugan Garta Dhaqanka.
Xafladaasna
waxa lagu soo kala dareeray iyadoo si wayn ay dadku u hadal hayaan qiima
wanaagsan ee ay leedahay Garta Dhaqanku, isla markaana waxa ay si wayn u
amaanayeen sida odayaashii hore ee somalidu ay xil isaga saareen sidii ay u
samaysan lahaayeen wax ay ku kala baxaan marka dadku is qabto, inkastoo
aanay buugan ka hor jirin wax buugaaga oo ku saabsanaa Gartan Somalidu mudada
dheer ku soo noolaayeen taasna loo aanaynayo in aansy somalidu ahayd dad xoola
dhaqato aan wax qorin.
Inta la
ogsoon yahay buugan Garta Dhaqanka iyo Xeerarka Somalida ayaa
noqanays buugii u horeeyay ee ku qoran Afka Somaliga ee ka hadla mawduucan
garta dhaqanka isagoo qoraagan c/salaam caradhuubna noqonaya qoraagii u
horeeyay ee wax ka qora garta somalida.
Xafiiska
Wararka Ee Waryatv
Burco/Somaliland
Reported by:- Max’ed Max’ud Haybe ( M.Taajir)


© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

