Gabdhaha Sigaarka Caba Oo Ku Soo Badanaya Kenya
Iyada oo caalamka uu Shalay u dabaal dagaayay sanadguradii shanaad ee kasoo wareegtay markii hishiis laga gaaray xadeynta tubaakada ayaa hayada caafimaadka aduunka waxaa ay iminka walaac ka muujineysaa tirada sii kordheysa ee gabdhaha da'da yar ee caba sigaarka gudaha dalkan Kenya.
Madaxa Barnaamijka xadeynta tubaakada u qaabilsan WHO Dr Joye Jato ayaa sheegay in xisaabtii ugu danbeysay ee la soo saaraty ay muujineyso in gabdhaha iyo wiilasha yar yar ee cabaya sigaarka ay sii korortay tan iyo 2001dii.
Warbixinta ayaa muujineysa in 10-kii wiil ee dugsiyada aada ee cabaya sigaarka ay ku jirto hal gabar oo iyaduna cabta.
waxa uu sheegay in arintani ay tahay mid si wayn looga walaaco, taasi oo muujinaysa in gabdaha kenya ay si dag dag ah u bilabayaan in ay canbaan Sigaarka iyada oo tubaakada ay aad ugu qatar badan tahay gabdhaha in ay cunana.
waxaa uu ku nuux nuuxsaday in ay saamaynayso dhamaan xubnaha jirka iyo minka gabdhaha, iyada oo la arki doona gabdhaha isticmaala drugska in ay dhalaan canug dhicis ah iyo ilmo aan misaan lahayn ama canug aan maskaxdiisa dhamayastirnayan.
mid ka mid ah gabdahah drugskan isticmaala ayaa sheegtay in ay sigaarka cabeesay tan iyo markii ay sanadki labaad jaamacada dhiganeesay.
Waxaa ay sheegtay in ay daganaan hesho marka ay cabto sigaarka, waxaana ay intaas kudartay in ay ku soo baar bartay hal waalid isla markan ay Hooyadeed cabi jirtay Sigaarka iyadana ayba jeclaatay in iyadana ay sigaarka dhankeeda ka jido.
Waxaa kaloo ay sheegtay in ay jiraan dad badan oo ceeb u arka in ay cabaan sigaarka balse iyada aysan ceeb u arag in ay tahay naag sigaarka cabta.
gabadhan ayaa sheegtay in ay cabto sigaarka marka dhibaato ay heesato ,ama shaqo la'aan ay tahay, ama laga xanaajiyo ama ay cabeeso alchol.
WaryaTv Nairobi-Kenya
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

