Madaxweyne Shariif Oo U Socdaalaya Ingriiska.

2010-03-06

 Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa la filayaa innuu u kicitimo Asbuucaan gudihiisa Magaaladda London ee Cariga Ingriis-ka.

Sheikh Shariif ayaa Magaaladda London ee Caasimadda Dalka Inrgiiska marka uu gaaro waxaa uu kulamo la qaadaan doonaa Mas'uuliyiinta Dalkaas oo uu ugu horeeyo R/wasaare Gordon Brown.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ku wehelin doona Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG ah sida aan ka helnay ilo wareedyo ku sugan Xarunta Madaxtooyadda.

Dhinaca kale Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ugu kicitimayo Britain ayaa ku soo aadaya xilli Dalka Soomaaliya wali lagu haysto Lamaanayaal da'aad ah oo u dhashay Dalkaas.

Dowladda Ingriiska ayaa sidoo kale dhawaan ka dhawaajisay inay Dalkeeda ka cuna qabayn doonto Dhaq Dhaqaaqyadda Urur-ka Al-Shabaab.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com