13 Sano Ayuu Duuliye Been Ah Ahaa
2010-03-05
Booliska dalka Holland ayaa sheegay in ay qabteen nin u dhashay dalka sweden oo sitay liisan foojari ah(Fake-Lisence) oo ah kan diyaaradaha lagu duuliyo ah ama bayloot.ninkan oo laga qabtay diyaarada dhexdeeda ayaa diyaar u ahaa inuu duuliyo diyaarad ay saaran yihiin 101 qof,
Ninkan oo lagu qabtay Airportka caasimada holland ee Amsterdam ayaa markaa fadhiyey kursiga diyaarada laga wado isagoo kaxayn lahaa diyaarad nooceedu yahay BONG 737 oo ku socotay dalka turkiga iyadoo diyaaradaa ay saarnaayeen 101 qof oo rakaab ah,
Ninkan Baylootka beenta ah oo 41 jir ah ayaa la sheegayaa inuu 13 sanadood ku shaqeynayey duulinta diyaaradaha isagoo hawada u duuliyey 10 kun oo saacadood diyaarado uu kaxeeyey isagoo isticmaalayey warqado iyo liisan foojari ah.
Diyaaradahaa u duulin jiray waxaa lahaa shirkado ay leeyihiin dalalka ingiriiska,Talyaaniga iyo biljim, ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa warku sheegayaa inuu ka xumaaday in diyaaradaa laga joojiyo isla markaana laga qaado liisanka baylootka oo uu sheegay inuu shaqadaa aad u jecel yahay.
WARYA TV
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.


