Weerar lagu qaaday wasaaradda g/dhigga Mareykanka -PENTAGON

2010-03-05
Laba ka mid ah shaqaalaha amaanka ayaa ku dhaawacmay kadib weerar rasaas ah oo uu mid ka mid ah albaabada wasaaradda gaashaan dhigga Mareykanka ee PENTAGON ku qaaday nin aan wali la aqoonsan waxa uu yahay.

Ninka weerarkan ka dambeeya ayaa isna lagusoo waramayaa in la dhaawacay, waxaana sadexda ruux ee falkani ku waxyeeleebay loola cararay cusbitaalka si loo dabiibo.

Dhamaan albaabada wasaaradaasi ayaa la xiray intii uu weerarkani socday, waxaana si gaar ah uu weerarku uga dhacay albaabka xiga dhanka halka tareemada laga raaco taasoo sidoo kale hakad gelisay isu socodka tareemada iyo dadka raaca.

Saacado kadib ayaa dib loo furay albaabada iyo isu socodka nawaaxiga wasaarada, sida ay boolisku sheegeen.

Falkan ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay, waxaana wararku ay intaa ku darayaan in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad halis ku jirto.

Wali lama oga waxa ku kalifay ninka weerarn soo qaaday iyo cida uu bartilmaameedsanayay, waxa uu iminkana ku jiraa cusbitalka isagoo dhaawac ah.

Source

WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com