Al-shabaab iyo Xisbul islaam oo Digniin Culus u Jeediyay Gen. Galaal

2010-02-08
Sheekh Salmaan Sahal Muuse oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in ay oga diganayaa Colaado uu ka hurinayo Gen Max,ed Nuur Galaal in uu isaga dhax baxo ayadoona sheegay in ay iska dhicin doonaan haddii uu isku dayo in uu dagaal ku soo qaado Magaalada Baladweyne, Ayadoona uuu Sheekh Salman uu sheegay in ay ka war qaban in uu Gen Galaal uu ku sugan yahay hatan Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Sheekh Salman Sahal Muuse in uu isaga baxo Gen Galaal gobolada Dhexe ee Somaliya ayadoona ay iska dhicin Doonaan weerar waliba oo kagaga yimaado dhankiisa ayna u diyaar yihiin Mujaahidiinta wa sida uu yiri Madaxa Arimaha Bulshada Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan.

Dhan kale war kasoo baxay sh Fu'aad oo kamid ah Madaxda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay kawarhayaan dhaqdhaqaaqyada uu Genaral Mxamed Nur Galal uu kawado Gobolka galgaduud, waxaana uu intaas kudaray in ay tilaabo cad kaqaadi Doonaan.

Hadalkan kasoo yeeray saraakiisha Al-shabaab iyo Xisbul islam ayaa ku soo beegmayo xili uu Gen Max,ed Nuur Galaal uu ku sugan yahay Gobolada Dhexe ayadoona ujeedka Socdaalkiisa ay ugu weyntahay sidii uu maskax Meliteri usiin lahaa Ciidamada iyo Maamulka Culumaa udiinka Ahlu Sunna Waljameeca kuwaas oo kasoo horjeeda dhinacyada Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul islaam oo horey dagaalo fraha la isaga gubtay ugu dhex marey Gobolada Dhexe iyo waliba gobolka hiiraan.

Abshir Dahir
WaryaTv Kismayo
abshir257@hotmail.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com