Japan Oo Dowlada Sheekh Shariif Ugu Deeqeysa $35.2 Milyan.
Dowladda Japan ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda KMG ugu deeqayso lacag gaarayso 35.2 Milyan oo lacagta Ameerikaanka ah taasoo wax looga qabanayo dhib u dhiska Ciidamadda Booliiska Dowladda KMG iyo Kaabayaasha dhaqaale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Japan Katsuya Okada ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jaangali in ay ugu deeqayaan Dowladda KMG ah 35.2 Milyan oo Lacagta Ameerikaanka ah sida ay Shaacisay Wakaaladda Wararka Japan ee Kyota.
Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa badanaa Balan qaadyo ka hesha Dowlddha Shisheeye ayadoon aysan ilaa hadda jirin Dowladda Fulisy balan qadyadda ay u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Jaangali ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Dalka Japan si uu u wanaajiyo Xiriirka labadda Dowladood ayna taageero uga heli lahaayeen Xukumadd Japan.
WaryaTv Nairobi-Office
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

